Xanuun ka dillaacay degaanka katirsan Jariiban Mudug

Image

Ku dhawaad 40 ruux ayaa la il daran xanuun ka dillaacay deegaan lagu magacaabo Gal-xagar oo katirsan degmada Jariiban ee gobolka Mudug, sida uu xaqiijiyay Afhayeen u hadlay guddiga tuuladaasi Maxamud Cabdi Xuseen.

Xanuunkan ayaa la sheegay inaan astaantiisa la aqoon balse loo malaynayo inuu ka dhashay Kaneeco badan oo deegaanka ka jirta, waxaana tilmaamihiisa lagu sifeeyay Shuban iyo Matag, soo wajahaya dhammaan bulshada  isagoon u kala soocayn shacabka  yar-yar, waaweyn, dumar iyo carruurba.

Goobta dhibaatadu ka taagantahay malahan goobo caafimaad ah, waxana ugu dhow degmada Jariiban oo qiyaastii 65KM kaga beegan dhinaca Galbeed.

Maxamud Cabdi Xasan oo lahadlay Radio Garowe, wuxuu sheegay inaysan awoodin la tacaalidda dadka tabaalaysan, balse la xiriireen degmada ay hoostagaan, isagoo xusay inaysan weli ka helin gurmad.

Wuxuu ka codsaday dowladda Puntland, hay'adaha kaalmada bixiya iyo bulshada reer Puntland inay ka qayb qaataan sidii dadkaasi loo caawin lahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM