Xarunta PDRC oo ku dhex-milantay Madaxtooyadda Puntland

Image
Ururada Siyaasadda Puntland ayaa hay'addan ku eedeeyay in ay "dooneyso" mashaariicda laga helo Beesha Caalamka.

GAROWE, Puntland - Daneeyeyaasha maxaliga ee siyaasadda ayaa walaac qoto dheer ka muujiyey "isku-dhex-milanka" Madaxtooyadda Puntland iyo Xarunta Cilmi-baarista iyo Horumarinta ee loo garan-og-yahay PDRC.

Walwalka ayaa salka ku haya qorshaha hogaanka PDRC oo ah xiriirka iyo iskaashiga dhow ee kala dhaxeysa Beesha Caalamka ay ugu sad-burineyso geedi-socodka dimuqraadiyada ee lagu muransan yahay.

PDRC ayaa ku magacaaban hay'ad cilmi-baaris oo madax-bannaan, aan dhinacna u jaranjeerin, faa'iido doonna ahayn balse u heellan dhismaha nabadda, horumarinta dimuqraadiyadda, iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha.

Hase ahaatee, xarunta oo kamid ah kormeereyaasha doorashooyinkii tijaabada ahaa ee ka qabsoomay saddexda degmo waxay ku guuldareysatay in ay soo saarayo warbixin dhexdhexaad ah oo tilmaameysa khaladaadkii dhacay kuna cadaadineysa dowladda in nidaamka uusan sii socon karin illaa laga saxo madmadow iyo is-dabamarinta dhacdey.

Ururadda Siyaasadda degaanadda Puntland ayaa ku eedeeyay hogaanka PDRC in gudashada waajibaakooda ay ka door-bideen in ay " doontaan" mashaariicda lagu bixiyo barnaamijka doorashooyinka kuwaasoo qaarkood lasoo mariyo guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka ah ee TPEC.

Kulamo ay xarunta qabatay kadib doorashooyinkii sababay natiijadda lagu muransan yahay ayaa u muuqday in ay si iskood ah isugu xil-saareen in ay u ololeeyaan dhaqaajinta barnaamijkan ayaga oo taageeraya Madaxtooyada.

Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo guda galay halkiisii sano ugu dambeysay muddo xileedkiisa ayaa dhinac iska dhigay cabashooyinka laga muujiyey barnaamijkan wuxuu u bareeray qardo-jeexida hayaankan.

Si uu taas ugu guuleysto, Deni ayaa isku-shaan-dheyn uu ku sameeyay golaha wasiiradda wuxuu kusoo xushay Cabdifaarax Saciid Juxe oo uu u magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dimuqraadiyeynta.

Magacaabida Juxa oo lataliye sarre ka ahaa PDRC isla markaana todobaadkan si degdeg ah xilka ula wareegay ayaa ah tusaale kale oo caddeynaya is-dhex-galka Madaxtooyadda iyo Hay'adda.

Deni ayaa sidoo kale wuxuu howlgab ka dhigay Guddiga Ku-meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland kuwaasoo guddoomiyahoodii Guuleed Saalax uu shaqada ka tagay kadib fadeexadii ka dhacdey coddeymihii horudhaca ahaa.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa la rumeysan yahay in ay ka dhaadhacsan tahay in xubnaha guddigan oo loo yaqaano TPEC aysan fulinayn qorshihiisa. Taas badalkeeda, Deni wuxuu doorbiday in barnaamijka ay waddo wasaaradda arrimaha gudaha iyo Juxa.

Talaabooyinkan oo u muuqda afduub loo geysanayo geedi-socodka dimuqraadiyadda Puntland ayaa meesha ka saareysa rajadii laga qabay in barnaamijkaan noqdo mid hanaqaada oo lagaga baxo nidaamkii hore. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM