Xarumaha Ganacsiga Boosaaso oo maanta xiran

Image
Image
Image
Image
Image

BOSAASO, Puntland - Waxaa saaka xiran xaruumaha Ganacsiga magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari xilli uu taagan yahay Khilaaf u dhaxeeya dowladda Puntland iyo Gancsatada.

Wararka aan ka helayno Boosaaso ayaa sheegaya in albaabada loo xiray suuqyada ganacsiga ee magaalada, kadib markii ganacsatadu ay ka biya diideen lacag lagu kordhiyay khidmada Badeecooyinka kasoo daga Dekedda.

Ganacsatada ayaa sheegay inay ka cabanayaan lacagaha cusub ee lagu kordhiyay Khidmadaha iyo canshuurta, taasi oo ah mida keentay inuu saaka xirmo Ganacsiga magaalada.

Ciidamada amaanka Puntland ayaa lagu arkayaa wadooyinka, iyagoo isha ku haya dhaq-dhaqaaqa dadka oo laga cabsi qabo inay hdigaan mudaharaad looga soo horjeedo go'aanka dowladda ee ku aadan khidmada Badeecadaha Dekedda.

Ganacsatada ayaa ku sugan afaafka hore iyo gudaha xarunta rugta ganacsiga ee ku taalla magaalada Boosaaso, waxayna ka arintasanayaan caqbadaha soo kordhay, kadib markii uu fashilmay wadahadalkii ay la lahaayeen ee socday mudooyinkii dambe.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Dekedda ay xiran tahay maalintii labaad, islamarkaana uu hakad uu ku jiro shaqadeeda, iyadoo doonyihii kuu xirnaa qaarkood ay dib ugu laabteen.

Wasaarada Dekedaha Puntland ayaa ka hadashay qiimaha cusub ee lagu soo kordhiyay khidmada badeecooyinka kasoo daga Dekedda. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM