​Xeer ilaaliyihii Ciidamada Miletariga Puntland oo Bosaso lagu toogtay

Image

BOSASO, Puntland- Dablay hubaysan ayaa goordhaweyd magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari ku toogtay Xeer ilaaliyihii ciidamada Milateriga Puntland Cabdikariim Xasan Fidhiye kaasoo la sheegay in waqtiga la toogtay uu ku sugnaa nawaaxiga xarunta taliska qaybta gobolkaas.

Lama oga cidda ka dambaysa iyo sababta lagu dilay intabada. Mana jirto koox sheegatay mas'uuliyadda.

Balse arrintan, ayaa kusoo beegantahay xilli magaalada Bosaso labadii Todobaad ee ugu dambaysay lagu toogtay maalin cad Taliye ku-xigeenkii 3aad ee Booliiska iyo Agaasimihii Madaxtooyada degmadaasi, kuwaasoo ilaa hadda aan gacanta lagusoo dhigin shakhsiyaadkii ka dambeeyay toogashadooda.

Firdhiye, ayaa kamid ahaa xubnaha aadka u fir-fircoon oo inta badan warbaahinta ka shaacin jiray xukuunnada ay ridaan Maxkamadda, waxaana dilkiisa kasoo baxaya warar kala duwan.

Xilliga la toogtay Firdhiye, ayaa kasoo baxay Maxkmadda inkastoo warar kale sheegayaan inuu waraysii soo siiyay Idaacadda Daljir, waxaana muddo kooban kadib lagu toogtay magaalada gaar ahaan afaafka hore qaybta Booliiska iyadoo sidoo kale ay ka agdhawaayeen xarumo kale oo dowladeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanada Qalabka sida ee Puntland Sareeyo Guuto Siciid Abyan Cigaal, oo la hadlay Radio Garowe, ayaa tacsi u diray dhammaan ciidamada iyo ehelkiisa, wuxuuna sheegay inuu aad uga xunyahay dhacdadaas.

Abyan, ayaa GO u xaqiijiyay in marxuumku kasoo baxay xarunta maxkamadda oo kasoo horjeeda saldhigga dhexe ee Bosaso isagoo intaas ku daray inuu shaqo u tagay halkaas maadama uu muddooyinkii dambe ka howl gali jiray magalada Garowe.

Mar aan wax ka weydiinay in gacanta lagu dhigay raggii toogashada gaystay, wuxuu xusay inuusan xaqiijin karin, balse dib kasoo sheegi doona wixii faah faahin intaas dheer.

Amniga Bosaso, ayaa faraha ka baxay mana jirto ilaa hadda wax tallaabo ah oo ay qaaday xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas oo muddooyinkii dambe ku mashquulsanayd arrimaha madasha iyo doorashada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM