​Xeerka saxaafadda Puntland oo la ansixiyay

Image

GAROWE, Puntland- Mudanayaasha Barlamanka Puntland, ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay heerka hagi doono saxafiyiinta Puntland kaasoo muddo horyaallay Xildhibaanada kadib markii laga keenay cabasho qaar kamid ah qodobo ku jira xeerka.

Kulan mudanayaasha golaha Shacabka Puntland ku yeesheen aqalkooda Garowe, ayay cod ugu qaadeen xeerka iyagoo  ka reebay dhowr qodob kuwaasoo Guddiga warbaahinta iyo wariyaashuba walaac ka muujinayeen inay wax u dhimayaan shaqadooda iyo madaxbanaanida intaba.

Qodobada laga reebay waxaa kamid ah;

1- Aqoonsiga wariyaha

Horay xeerka waxaa loogu gudbiyay in wasaaradda warfaafinta Puntland bixinayso kaarka aqoonsiga Wariyaha, balse iminka waxaa loo daayay Guddiga warbaahinta

2-Madax-bannaanida Guddiga Warbaahinta

Xeerka ayaa markii hore lagu dhigay in guddiga warbaahinta Puntland hogaamiso xukuumadda gaar ahaan wasaaradda u qaabilsan warfaafinta, balse waxaa hadda loo madaxbaneeyay shaqadooda

3-Shuruudaha Suxufiga

Qodobkan waxaa laga dhigay in wariyaasha jooga Puntland lagawada qaado imtixaan iyo shahaadooyin ay ka shaqayn doonaan guddi arrinta loo xilsaari doono, waxaana ciddii ku dhacda loo samayn doonaa tababaro iyo aqoon siyaadin.

Markii ay soo dhammaatay shirka ansixinta xeerkan, waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay qaar kamid ah Xildhibaanada Barlamanka Puntland iyo Madaxda warbaahinta iyagoo ka hadlay siday u arkaan.

Guddoomiyaha ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP Faysal Khaliif Barre, ayaa mahad-celin u jeediyay mudanayaasha Barlamanka sida wanaagsan ee ay ugala shaqeeyeen, wuxuuna intaas ku daray in qorshahan saamayn ku yeelan doono hab-shaqeedka warbaahinta isagoo xusay inay jiri doonto imtixaan laga qaadayo dhammaan wariyaasha Puntland, si loo helo dad aqoon u leh waxay ka shaqaynayaan.

Xildhibaanada ayaa sheegay inay ka doonayaan Wariyaasha inay noqdaan kuwo dalka iyo dadka si wanaagsan ugu adeeg islamarkaana ku dhaqma xeerkan, waxayna sheegeen inay ka saareen dhammaan qodobadii lagu muransanaa.

Ansixintan ayaa kusoo beegantay xilli muddo badan madaxda warbaahinta iyo guddoonkoodu ka shaqaynayeen sidii dib looga noqon lahaa xeer wasaaradda Warfaafinta Puntland u gudbisay Xildhibaanada taasoo ay soo ansixiyeen golaha xukuumaddu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM