Xiisad ka taagan degmada Dhahar

Image

Sept 26, 2014 (GO)- Xiisad ayaa ka taagan degmada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan oo ay maanta ka dhacday doorashada guddoomiyaha golaha deegaanku.

Duqa cusub ee degmada Dhahar waxaa loo doortay Mustafe Axmed Aadan Geesood, waxaa sidoo kale ku xigeenka loo doortay Xuseen Kutaambe.

Iska hor imaad khasaare geystey oo dhex maray  dhinacyo kala taabacsan labada maamul ee Puntland iyo Somaliland ayaa xalay degmada Dhahar ka dhacay.

Sida ay wararku nagu soo gaarayaan wuxuu dagaalkaasi bilowday kaddib markii lagu murmay dhismaha golaha deegaanka Dhahar oo maalmihii u dambeeyey Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland ku howlanayd.

Hal qof ayaa dagaalka xalay dhacay ku geeriyoodey kaasoo ka tirsnaa dhanka qolyaha taabacsan Somaliland, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo qof oo kale. 

Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamo ka tirsan kuwo Somaliland oo kasoo baxay degmada Burco iyo deegaano kale oo hoos tagaa ay Dhahar kusoo wajahan yihiin.

Wixii kasoo kordha xaaladda degmada Dhahar wararkeena dambe ayaad kaga bogan doontaan.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM