Xiisad ka taagan degmada Dhahar

Image

Sept 26, 2014 (GO)- Xiisad ayaa ka taagan degmada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan oo ay maanta ka dhacday doorashada guddoomiyaha golaha deegaanku.

Duqa cusub ee degmada Dhahar waxaa loo doortay Mustafe Axmed Aadan Geesood, waxaa sidoo kale ku xigeenka loo doortay Xuseen Kutaambe.

Iska hor imaad khasaare geystey oo dhex maray  dhinacyo kala taabacsan labada maamul ee Puntland iyo Somaliland ayaa xalay degmada Dhahar ka dhacay.

Sida ay wararku nagu soo gaarayaan wuxuu dagaalkaasi bilowday kaddib markii lagu murmay dhismaha golaha deegaanka Dhahar oo maalmihii u dambeeyey Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland ku howlanayd.

Hal qof ayaa dagaalka xalay dhacay ku geeriyoodey kaasoo ka tirsnaa dhanka qolyaha taabacsan Somaliland, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo qof oo kale. 

Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamo ka tirsan kuwo Somaliland oo kasoo baxay degmada Burco iyo deegaano kale oo hoos tagaa ay Dhahar kusoo wajahan yihiin.

Wixii kasoo kordha xaaladda degmada Dhahar wararkeena dambe ayaad kaga bogan doontaan.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM