​Xiisad ka taagan magaalada Laas-caasno, gobolka Sool

Image

LASCANOD- Xaaladda guud ee magaalada Lascaanood, ayaa aad u kacsan, waxana lagu soo rogay Bandow, kadib markii duleedka magaalada ee dhinaca howdka saaka lagu dilay laba nin oo shacab ahaa.

Labada nin ayaa la sheegay in loo dilay aano qabiil, waxaana taasi keentay in abaabul ciidan ka bilowdo gudaha magaalada Laas-caano, waxaan Guddoomiyaha gobolka Sool Mustafe Cabdi Shiine uu ku dhaqaaqay inuu magaalada Bandow kusoo rogay.

Shiine, ayaa shaaciyey inaan la ogolayn wax gaadiid ah oo gudaha magaalada soo geli kara iyo mid ka bixi kara, waxana heegan buuxa la geliyey ciidamada booliiska oo fariisimo waaweyn ka samaystay dacallada magaalada.

Dhibka ka taagan magaalada Lascanod, ayaa waxa uu ka dhashay isku dhac laba beelood oo gobolka Sool wada dega ka dhex qarxay horraantii bishan June, kaas oo haatan kusoo fiday dhanka magaalooyinka

Ilaa iyo imika wararka dagaalka labada beelood laga helayo ayaa sheegaya in khasaaraha dhimashadu gaadhay ilaa iyo 46­qof oo dhimasho ah, halka dhaawacu kor u dhaafay 50­qof.

Xukuumadda Somaliland, ayaa dhawaan xabsiga dhigtay ilaa Konton Oday oo labada dhinac ee dagaallamaya kasoo kala jeeda, balse arrintaasi waxba kama badalin xiisaddii taagnayd.

Baaqyo kala duwan oo ay direen shacab iyo siyaasiyiin ayaan wali hirgalin mana jirto wax tallaabo muhiim ah oo ay qaateen maamullada ka taliya gobolka iyo dowladda Ethiopia oo daris ah goobaha lagu dagaallamayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM