Xiisada Deni iyo Karaash oo hareysay shirka golaha wasiirada Puntland

Image
Garowe Online ayaa ogaaday in ka qeybgaleyaasha kulankan todobaadlaha ah ay aad uga doodeen qadiyaddan.

GAROWE, Puntland - Madaxwayne ku xigeenka ahna kusimaha madaxweynaha Puntland, Karaash, ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ee golaha wasiiradda kaasoo "looga hadlay amniga guud, xaalada dekedda Boosaaso, dhismaha goleyaasha degaanka".

Barta Facebook-ga ee Puntland State House iyo telefishinka dowladda ee Puntland State TV ayaan illaa haatan waxaan lagu daabacin warka ku saabsan shirka xukuumadda.

Karaash oo xalay faafiyey qoraal ayaa sheegay in uu la wareegay mas'uuliyadda madaxweynaha kadib markii Deni uu Muqdisho u tagay ololihiisa madaxtinimada Soomaaliya. Garowe Online wuxuu ogaadey in Deni uu "ka xumaadey" dhawaqa ku xigeenkiisa.

Marka laga soo tago tafaasiisha xafiiska Karaash ka fiiyey kulanka, warsidaha GO ayaa fahansan in kulanka golaha wasiiradda diiradda lagu saarey qoraalkii xalay kasoo baxya Karaash ayna inta badan wasiiradda ka hor-yimaadeen.

Qaar kamid ah wasiiradda ayaa carabka ku dhuftey in dastuurka Puntland uu xeerinayo in madaxweyne ku xigeenka uu awoodaha la wareegi karo haddii 60-casho uu madaxweynaha dalka ka maqan yahay ama ay soo wajahdo xaalado u diidaya in uu xafiiska joogo.

"Madaxweynaha hadda dalka kama maqno. Sidoo kale, Puntland ma qaadi karto hadda khilaaf siyaasi ah. Waxaa haboon in aan waqti ku bixino u gurmada dadkeenu abaaraha saameeyeen iyo la dagaalanka cadowga argagixisada," ayuu yiri mid kamid ah wasiirada.

Sida ay xogta muujineyso, kulanka guud kadib, Karaash ayaa si gaar ah waxay isku arkeen wasiiradda arrimaha gudaha, Maaliyadda iyo dastuurka. Fahfaahin dhameystiran lagama hayo qodobada ay isla falanqeeyeen dhinacyadda balse wuxuu dabasocday kulanka guud.

Deni iyo Karaash ayaa horey wadahadalo ugu yeeshay Garowe kahor inta uusan madaxweynuhu u wareegin Muqdisho si uu ololihiisa doorashadda u u dardargeliyo ololihiisa. GO wuxuu xaqiijiyey in ay is-faham-gaareen qadiyadan balse lama ogga waxa gadaal iska badalay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM