Xiisaddii deegaanka Qarxis oo heshiis rasmi ah laga gaarey

Image

July 19, 2015 (GO)- Waxaa heshiis rasmi ah laga gaarey xiisaddii ka aloosneyd deegaanka qarxis ee u dhexeysey saraakiisha hoggaaminayey ciidamada gadoodsan iyo dowladda Puntland.

Waan-waanta oo muddo labo bilood ku dhow soo socotey islamarkaana marxalado badan soo martey waxaa ugu dambeyntii lasoo afjaray xalay, kadib markii labada dhinac tanaasul badan sameeyeen islamarkaana si wadajir ah nabad u qaateen.

Heshiiska waxaa qayb libaax ka qaatey Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.

Waxaa sidoo kale kaalin weyn ku lahaa Islaan Ciise, Suldaan Garaase, Wasiirka Amniga Puntland iyo qaar kamid ah culimaa'uddiinka iyo waxgaradka sida weyn looga tix geliyo Puntland.

Maxaa lagu heshiiyey?

Qodobada ugu muhiimsan ee lagu heshiiyey waxaa kamid ah:

  1. In ciidamada gadoodsan lasoo xereeyo dibna ay ugu soo noqdaan saldhigyadii ay ka hawlgeli jireen.
  2. In dowladdu kafaalo qaaddo ammaanka Gen. Muxiyadiin iyo Col. Cabdiyare maadaama ay yihiin saraakiil usoo shaqeeyey hay'adaha ugu sarreeya amniga.
  3. In dib u qarameynta ciidanka uu hormuud ka noqdo Gen. Siciid Dheere.
  4. In dowladdu si siman ula dhaqanto ciidamada islamarkaana siiso xuquuqda ka maqan.
  5. In laga wada-shaqeeyo amniga, meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo loo arko inay jebisey qodobadii lagu heshiiyey.

Dadka reer Puntland ayaa si weyn usoo dhoweeyey heshiiska taariikhiga ah ee laga gaarey xiisadda Qarxis, maadaama Puntland xilligan ku jirto xaalad adag oo aysan xamili karin qalalaase gudaheeda ka dhaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM