Xil wareejin ka dhacday madaxtooyada Puntland ee Garowe

Image
Image
Image

June 8, 2015 (GO)- Agaasimihii hore ee maamulka madaxtooyada Cabdimahdi Abshir Cismaan ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyey agaasimaha cusub Cabdinaasir Maxamuud Gurey.

Xaflad kooban oo loo qabtay xilwareejinta kana dhacday madaxtooyada Garoowe ayaa waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada  Deeq Sulaymaan Yuusuf, ku xigeenka agaasimaha guud  Cawil Xassan Daad iyo saraakiil kale oo ka tirsan madaxtooyada Puntland .

Cabdimahdi Abshir Cismaan ayaa madasha ka sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay xil wareejinta, wuxuuna agaasimaha cusub ku wareejiyey dhammaan dukumiintiyadii shaqad.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Deeq Sulaymaan Yuusuf iyo ku-xigeenkiisa Cawil Xasan Daad ayaa dhankooda si aad ah u soo dhaweeyey shaqada wanaagsan ee uu soo qabtay agaasimihii hore kuna booriyey agaasimaha cusub inuu dadaalka halkaas kasii wado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM