Xilal magacaabis Qabyaaladeysan oo saameyn ku yeelatey Ciidamada Puntland [Sabab]

Image

GAROWE- Tan iyo markii Madaxweyne Gaas isbadalo ku sameeyey Agaasime waxeedyada  maaliyada iyo maamulka wasaaradaha Puntland ayaa waxaa soo kordhaya welwelka shacabka ka qabo danaha mas’uulka ugu sareeya xafiiska Madaxtooyada ka leeyahay xilalka uu magacaabayo xiligaan kala guurka ah.

Madaxweyne Gaas oo muddo xileedkiisu ku egtahay dhamaadka sanadkaan ayaa xilal hoose u magacaabay shaqsiyaad ay isku beel hoose wadaagaan, talabadaan oo qaar ka tirsan beelaha daga Puntland ka caroodeen.

Magacabistii ugu dambeysay uu ku sameeyey  xisaabaiyaha maaliyada gobolka Mudug 4 July,2018 kadib markii mas’uulkii ka horeeyey lagu soo eedeyey xatooyo xoolo dadweyne ayaa waxaa ka caroodey sida warsidahaan ogaadey qaar ka tirsan beelaha daga gobolka Mudug.

Xisaabiyaha cusub ee wasaarda maaliyada gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinur Maxamud (Geesay) oo kasoo jeedaa beesha Reer Khalaf Cumar Maxamud ayaa dadka la socda siyaasada Puntland waxay aminsan yihiin in talaabadaan meesha ka saareyso isu dheelitirka nidaamka qaybsiga xilalka ee beelaha ku wada nool gobolkaas.

Xisaabiyaha maaliyada gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur

Madaxweyne Gaas oo isagu isku baho hoose kawada tirsan yihiin xisaabiyaha cusub marka la eego qaabka wada dhalasho ee beel weynta Cumar Maxamuud ayaa talaabada uu qaadey sida warsidaha GO ogaadey waxaa ay saameyn ku yeelatey  ciidamo ku sugan jiida hore ee Tukaraq.

Ciidmadaan oo ka gadoodey go’aanka magacaabista xisaabiyaha iyo cabashooyin kale ayaa wararka sheegayaan in saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland ka shaqeyneyso sidii ay dib ugu noqon lahaayeen.

Xisaabiyaha Wasaarada maaliyada gobolka Mudug ayaa tan iyo intii dhidibada loo taagey maamulka Puntland waxaa laga soo dhex magacaabi jirey beesha Reer Mahad Cumar Maxamud kuwasoo qayb wayn ka qaata difaaca gobokaas.

Go’aanada Gaas ku magacaabayo saraakiisha ay isku beelaha hoose yihiin ayaa sidoo kale waxa ay saameyn ku yeelaneysa qorshaha difaaca Puntland.

Beelaha daga Puntland ayaa qayb weyn ka ah ciidamada ku sugan jiida hore ee Tukaraq kadib markii dowlada Madaxweyne Gaas kasoo bixi waydey mas’uuliyadii ka saarneyd difaaca maamulkaan.

Dhinaca kale waxaa muran ka taagan yahay gobolka Mudug gaar ahaan Galakacayo kadib markii xeryo dowlada leedahay dhul ku yaal  Madaxweyne Gaas amar ku bixiyey in la iibsho talabadaas oo diidmo ka muujiyeen qaar ka tirsan beelaha daga gobolkaan.

Beelahaan ayaa ciidamo ka buuxiyey labadaan xero taasoo wararku sheegayaan in Madaxweynaha Puntland dhulkaan iney iibsadaan heshiis kula soo galey ganacsato dagan wadamada Afrikada Barri.

Dalka Soomaaliya oo dagaalo sokeeye ka socdeen muddo ku dhow 30 sano ayaa Hab qaybsiga dowladeed heer dowlad Federal iyo maamul waxa uu ku saleysan yahay nidaamka qabaa’ilka taasoo siyaasiyiinta hogaanka u soo qabatey ku guuleysan waayeen in laga gudbo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM