​Xildhibaan Cali Dhagacade oo mugdi galiyay saamiga Muqdishu

Image

GAROWE- Xildhibaan Cali Dhagacade oo katirsan Baarlamanka Puntland, ayaa ka hadlay warmurtiyeedkii laga soo saaray shirkii maalmahan caasumadda Soomaaliya uga socda madaxda dalka, isagoo sheegay inuu soo dhaweynayo qodobada shirkaasi kasoo baxay marka laga reebo qodobka ka hadlaya maqaamka caasumadda Soomaliya, wuxuuna sheegay inay taageersanyihiin qaabka wax u socdaa taasi oo ku tilmaamay arrimo laga maarmi waayay.

Xildhibaanka, ayaa xusay inay tahay wax lagu farxo dadaallada ay wadaan madaxda Soomaalida, isagoo taageeray habkii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku ansixiyay hannaanka doorashada dalka, wuxuuna sheegay inaysan Barlamanku awood u lahayn ansixinta xeer cusub marka ay waqtigaan oo kale joogaan.

Cali Dhagacade oo waraysi siiyay Radio Garowe, ayaa aad uga faallooday arrinta ku aadan maqaamka Muqdishu iyo xubnaha ay ka helayso Aqalka sare, wuxuuna sheegay inaysan ahayn magaalo matali karta umadda Soomaaliyeed, taasi oo uu sheegay inay tahay goob ay leeyihiin dad gooni ah, wuxuuna soo jeediyay in laga hadlo qaabkii loo heli lahaa badalkeeda iyo goob umadda Soomaaliyeed kulmin karta.

Wuxuu sheegay in xubnihiin Muqdishu ay qaateen maamulka Galmudug iyo kan dhismaya ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, isagoo gabi ahaanba ku baaqay inaan laga hadlin arrinta magalada Muqdishu, wuxuuna ku dhaliilay inay tashuush galinayso shirarka looga hadlayo arrimaha doorashada.

Shirka Baydhabo ka hadlay 20 Jun, ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay in wax wanaagsan laga soo saari karo hadii si daacad ah madaxdu u shiraan oo arrimaha dalka uga hadlaan.

Hadalkan, ayaa yimi xilli xalay war-murtiyeed laga soo saaray shir waqti badan qaatay oo muddo kasocda magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM