Xildhibaan eedeeyay shirarka qabaa'ilka

Image

Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar oo ka mid ah baarlamaanka Puntland ayaa maanta waraysi uu siiyay Radio Garowe 10.August.2014 waxa uu kaga hadlay shirar qaabil oo maalmihii ugu danbeeyay ka socday magalo madaxda Puntland ee Garowe.

Surcad ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay shirarka beelaha qaarkood ay ku qabsanayaan magalada Garowe wuxuna muujiyay inay muhiim tahay in arrimaha noocaan oo kale ah loo daayo xildhibaanada Gobalka kasoo jeeda ee baarlamanka ka tirsa.

''Waxan codsanaynaa in la joojiyo shirarka qabiilka ,ceeb ayay nagu tahay 16-sano ka dib in qaab qabiil loo hadlo runtii dadka dibadda aad bay uga naxeen hadalada noocaan oo kale ah oo jifooyinka ku salaysan,waxaana dareesanahay inay ka danbeeyeen kooxo kale oo kuraas doon ah ee aysan jifooyinku waxakan ka danbayn''.Siciid Surcad ayaa sidan yiri.

Masuulkan oo matala shacabka Gobalka Nugaal ayaa sheegay in laga gudbay waqtigii qabiilka la kicin jiray balse loo baahan yahay in si hufan looga wada shaqeeyo danta umadda Puntland iyo isku xirnaantooda.

Tan iyo wixii ka danbeeyay dhacdadii ka dhacday Talefeshinka iyo Raadiyaha Puntand oo ay ciidan gadoodsani galeen ayaa waxaa soo baxayay shirarka qaba'ilka oo si siyaasadaysan uga danbeeyaan kooxo doonaya xilal oo Garowe ka dhacay balse Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar uu ka digay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM