Xildhibaan ka tirsanaa barlamanka PL oo Garowe ku geeriyoodey

Image

March 21, 2015 (GO)- Xildhibaan ka tirsanaa barlamanka Puntland ayaa saaka ku geeriyoodey magaalada Garoowe. Xildhibaanka oo lagu magacaabi jirey Siciid Agandi xanuun ayuu la jiifey todobaadyadii u dambeeyey.

Siciid Cabdi Samatar (Surcad) oo isna ah xildhibaan kale oo ka tirsan barlamanka Puntland ayaa Radio Garowe u xaqiijiyey geerida xildhibaan Agandi, wuxuuna Ilaah uga baryey inuu u naxariisto qoyskiisana samir iyo iimaan ka siiyo.

"Ilaah ha u naxariisto Xildhibaan Agandi oo in muddo ah xanuunsanaa, qoyskii iyo qaraabadii uu ka tegeyna samir iyo iimaan haka siiyo" ayuu yiri.

Dhanka kale, Xildhibaan Surcad oo maanta wafdi uu kamid yahay dalka Kenya u duuleen ayaa ka warbixiyey ujeedada socdaalkooda.

Wuxuuna sheegay inay casumaad ka heleen Bankiga Adduunka islamarkaana magaalada Nairobi kaga soo qayb geli doonaan shir ku saabsan horumarinta Puntland.

Xubnaha wafdiga maanta Garowe ka dhoofey waxaa kamid ah mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta Puntland iyo guddiga qorshenta ee barlamanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM