Xildhibaan loo dhaariyey xubin ka noqoshada baarlamaanka Puntland

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Fadhiga 2aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta looga hadlay soo jeedinta ogolanshaha Xubinnimada Xildhibaan cusub iyo Ajandaha Kalfadhiga 47-aad.

Ka dib soo jeedinta Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Gudaha Golaha Wakiillada DPL,

MARKUU ARKAY:- Qodobka 61-aad iyo Lifaaqa 4-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

MARKUU ARKAY:- Qodobka 62.3-aad farqadiisa 6-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

MARKUU ARKAY:- Qoraalka ku taariikhaysan 30/09/2020 ee Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax Beeldaaje Maxamuud oo ah saxiixa xubintaas uu Golaha Wakiillada u soo gudbiyey in Ayuub Nuur Muuse uu buuxiyo kursiga xubinta Golaha Wakiillada ay Beeshu ku leedahay ee uu banneeyey Xildhibaan hore Allaah u naxariistee Daa’uud Nuur Muuse.

MARKUU HUBIYEY: In Ayuub Nuur Muuse( Riyaax) uu buuxiyey Shuruudihii xubinnimada Golaha Wakiillada ee ku xusan Qodobka 61- aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

WUXUU GUDDIGU SOO JEEDINAYAA:

In Ayuub Nuur Muuse (Riyaax) uu Golaha ka hor akhriyo taariikh-nololeedkiisa, kadibna loo dhaariyo ka mid noqoshada Xubinnimada Golaha Wakiillada DPL.

Waxaana si rasmi ah Maxkamadda sare ee Dawladda Puntland ugu dhaarisay ka mid noqoshada Xubinnimada Golaha Wakiillada DPL.

Dhinaca kale, Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa loo gudbiyey Ajandaha qabyada ah ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada, sida uu qabo Dasuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 8-aad faqrada 5-aad iyo Qodobkiisa 42-aad farqada 1-aad, waxaana lagu wadda in maalina berri ah si rasmi ah loo ansixiyo.

Baarlamaanka Puntland

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM