Xildhibaan Puntland oo eed loo jeediyay iska fogeeyay

Image

Garowe,Puntland 30.August [GAROWEONLINE] Xildhibaan Xasan Xaange Maxamed oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Puntland oo shir jaraa'id uu ku qabtay magalada Garowe ayaa iska fogeeyay eed loosoo jeediyay inuu diinta caayay.

Maalin-nimadii Shalay ''Jimce'' ayaa masaajiyadda Garowe qaar ka mid ah Khudbadii laga jeediyay waxaa lagu soo qaatay in xildhibaankan caayay diinta Islaamka.

Xildhibaan Xaange ayaa sheegay inay dad ka dabeeyaan kuna tilmaamay cadaawad lagu damacsan yahay in lagu dilo.

Warar shalay kasoo baxay xarunta Baarlamaanka gadaheeda oo qaarkood lagu daabacay saxaafada ayaa sheegay in Xildhibaan Xaange iyo gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka is af dhaafeen taasoo la sheegay inuu diinta ku caayay.

Docda kale Xaange ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin gef uu Baarlamanka u gaystay arrinta laga faafiyayna ay tahay been cad oo aan waxba ka jirin.

''Maadama aanu la socono marxaladda ay Somalia maanta ay ku sugan tahay gaar ahaan Gobaladeena siday wax uga dhacaan si fudud inta la ii dilo in la yiraaho waa murtid dabmi galay, arrintaas oo aan u arko inay ahayd shirqool cidii samaysayna waxay noqon doontaa ama cid dabnigaasi anniga ugu sifoobo ama iyaguu ku sifoobi doonaa,waxaan la tagi doonaa sharciga'' Xaanga ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay.

Waa markii ugu horaysay qaar ka mid ah masaajiyadda magalada Garowe laga baahiyo in mudane ka tirsan Baarlamaanka uu diinta iyo illaahay u gafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM