Xildhibaan Saadiq oo beeniyay eedaynta Gudoomiyihii hore Barlamanka Puntland [Dhagayso]

Image

31 Octobar, 2015(GO)-Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka Puntland ayaa beeniyay eedaymo uga timi Gudoomiyihii hore Barlamanka Puntland.

Saadiq, ayaa tilmaamay inuu ka mid ahaa Xildhibaanada doonayay in Shire laga badalo Gudoomiyenimada, wuxuuna eedayntiisa ku tilmaamay inay ka mid tahay waxyaabah looga bartay siyaasiyiinta Somalida markay jagada baneeyaan.

Xildhibaanka ayaa beeniyay in arrinta mooshinka ku lug lahayd dowladda Federaalka Somalia, wuxuuna meesha ka saaray lacag Gudoomiyihii hore sheegay in loo adeegsaday xilka qaadistiisa.

Saadiq Abshir Garaad, ayaa Siciid Xasan Shire ku dhaliilay inuusan aqoon shaqadiisa iyo waxyaabaha uu awoodda u leeyahay taasina keentay in kalsoonidii lagala laabto.

Waxa uu carabka ku dhuftay inuusan wanaagsanayn xiriirka isaga iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay.

Arrinta la xiriirta in Saadiq muddo dhan 17 sano ahaa Xildhibaan, ayuu sheegay inuusan Siciid ahayn shakhsiyaadka soo xula Barlamanka, balse uu ka caraysanyahay saxiixa mooshinkiisa.

Saadiq ayaa tilmaamay in shaki ku jiray xubinimadii Siciid Xasan Shire, kana mid ahaa xubnihii loo gudbiyay maxkamadda sare ee Puntland iyadoo la dhaliisanyhay sharciyadda uu ku yimi.

Xildhibaanka ayaa meesha ka saaray tuhun ku aadan in mooshinkii Shire saameeyo madaxda kale ee Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM