Xildhibaan Siciid Nuur Cagool oo Galkacyo lagu diley

Image

May 8, 2015 (GO)- Xildhibaan ka tirsanaa barlamaanka Puntland ayaa caawa lagu diley magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Xildhibaan Siciid Nuur Dirir (Siciid Lugool) oo kamid ahaa mudanayaasha siyaasad ahaan aad ugu dhow madaxweynaha Puntland Cabdiwlei Cali Gaas ayaa waxaa toogtey dabley hubeysan salaadii maqribka kaddib, isagoo kasoo  baxaya  masjidka Abu Hureyra ee xaafadda Israac.

Dableyda dilka fulisey oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan ayaa tacshiirad ku furey xildhibaanka kadibna labo bumbo oo nooca gacanta ah tuurey.

Waa xildhibaankii labaad oo ka tirsan Barlamanka Puntland ee muddo bil gudaheed ah weerar qorsheysan lagu dilo. Bishii lasoo dhaafey ee April 18-keedii, waxaa magaalada Muqdisho sidan oo kale loogu toogtey Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM