Xildhibaan Sucad oo u sharaxan jagada Gudoomiyaha Barlamanka Puntland

Image

08 November,2015(GO)-Xildhibaan Cabdi Saciid Samatar oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka Puntland ayaa maanta shaaciyay inuu u taaganyahay jagada Gudoomiyaha Barlamanka.

Surcad ayaa tilmaamay in arrintan shaacinteeda ku timi la tashiyo kala duwan oo la yeeshay saaxiibadiisa siyaasada iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada.

Xildhibaan Surcad maaha mudanihii u horeeyay oo jagadan isu soo taaga, balse waxaa ugu cad cad Xildhibaan Axmed Cali Xaashi iyo Cabdixakiim Dhoobo-dareed.

Shacabka ku nool magalaada Garoowe ayaa aragtidooda ka dhiibtay iyagoo la hadlay Radio Garoowe.Halkan ka dhagayso aragtida dadweynaha.

Barri oo Isniin ah ayaa la dooran doonaa gudoomiyaha Barlamanka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM