Xildhibaanno katirsanaa Baarlaamanka PL oo xasaanadda laga qaadey

Image

GAROWE, Puntland - Barlamanka Puntland Ayaan saakay xasaanadda ka qaadey 8 Xildhibaan, oo lagu eedeeyay jebinta xeer hoosaadka Anshaxa Gollaha Wakiiladda.

Kulanka oo ay soo xaadireen 39 mudane ayaa waxaa taageeray mooshinka xasaanad ka qaadista 35 kamid ah, waxaa diiday 3, halka hal Xildhibaan uu ka aamusay, wuxuuna gudoonka ku dhawaaqay in xubnahan aysan kamid ahayn wixii maanta ka dambeeyay Baarlamaanka.

Magacyada Xildhibaanada: 

1.Xildhinaan Cabdijamal Cismaan

2.Xildhibaan Cabdiqani surato

3.Xildhibaan Muuse Jajabsay

4.Xildhibaan Baduugaaye

5.Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre

6.Xildhibaan Saleeban Faarax.

7.Xildhibaan Cabdiraxman Dhoore

8.Xildhibaan Maxamud Axmed Caalim. 

Ka hor intii aan laga qaadin xubnahaan xasaanada waxaa fashilmay dadaalo ay wadeen guddiyo ka tirsan isla gudaha baarlamanka kuwaas oo xal u waayay eedeymaha loo haystay mudanayaashaan oo ay ka mid yihiin iska horkeeen gollaha dhexdiisa,abaabulka fawdooyin laga soo maleegay gacmo ka baxsan siyaasada dowladda Puntland. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM