Xildhibaanno katirsanaa Baarlaamanka PL oo xasaanadda laga qaadey

Image

GAROWE, Puntland - Barlamanka Puntland Ayaan saakay xasaanadda ka qaadey 8 Xildhibaan, oo lagu eedeeyay jebinta xeer hoosaadka Anshaxa Gollaha Wakiiladda.

Kulanka oo ay soo xaadireen 39 mudane ayaa waxaa taageeray mooshinka xasaanad ka qaadista 35 kamid ah, waxaa diiday 3, halka hal Xildhibaan uu ka aamusay, wuxuuna gudoonka ku dhawaaqay in xubnahan aysan kamid ahayn wixii maanta ka dambeeyay Baarlamaanka.

Magacyada Xildhibaanada: 

1.Xildhinaan Cabdijamal Cismaan

2.Xildhibaan Cabdiqani surato

3.Xildhibaan Muuse Jajabsay

4.Xildhibaan Baduugaaye

5.Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre

6.Xildhibaan Saleeban Faarax.

7.Xildhibaan Cabdiraxman Dhoore

8.Xildhibaan Maxamud Axmed Caalim. 

Ka hor intii aan laga qaadin xubnahaan xasaanada waxaa fashilmay dadaalo ay wadeen guddiyo ka tirsan isla gudaha baarlamanka kuwaas oo xal u waayay eedeymaha loo haystay mudanayaashaan oo ay ka mid yihiin iska horkeeen gollaha dhexdiisa,abaabulka fawdooyin laga soo maleegay gacmo ka baxsan siyaasada dowladda Puntland. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM