Xildhibaano kamid noqonaya Golaha Shacabka oo la doortey

Image
Doorashada kuraasta ayaa ka kala dhacdey Garowe, Dhuusamareeb iyo Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa khamiista maata ah qabtey codaynta 8 kursi oo ka mid ah kuraasta Baarlamaanka 11aad kuwaas oo codayntoodu ka dhacdey magaalooyinka Garowe iyo Dhuusamareeb.

Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed SEIT ee Dowladda Puntland ayaa horay u shaaciyay qabashada kuraastaan ka dib markii musharixiinta ay soo mareen habraacii loo dajiyay codaynta iyada oo la shaaciyay odoyaasha iyo bulshada rayidka ee soo xulaya egooyinka tababarna la siiyay.

Kuraasta maanta lagu doortey Garowe ayaa kala ah;

Wasiirka Qorshaynta Dowlada Puntland Abdiqafaar Cilmi Xaange ayaa loo doortay Kursiga sumadiisu tahay #HOP144. Fardowso Cismaan Cigaal ayaa ku guulaysatay Kursiga sumadiisu tahay #HOP232.

Xirsi Jaamac Gaani, wasiiru dowladihii madaxtooyadda dowlad goboleedka Jubaland, ayaa ku gulaystay Kursiga HOP#223. Maxamed Ahmed Xayle ayaa la doortay Kursiga HOP#128.

Kuraasta lagu doortey Dhuusamareeb ayaa kala ah;

Maxamed Ibraahim Cali (Cajiib) ayaa ku soo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP064 oo maanta doorashadiisa ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) ayaa ku soo baxay kursiga tirsigiisu yahay Hop248 oo maanta doorashadiisa ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.

Qaali Axmed Diiriye ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop#096 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Dhuusamareeb.

Kuraasta maanta la doortey ee gobolada waqooyi

Ifraax Maxamed Cawad ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#037 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#238 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Saciid Maxamed Maxamuud ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#244 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho

Inkastoo dowlad-goboleedyada dalka qaarkood laga soo wariyay boob doorashada hadana, waxaa isha lagu wada hayaa sawir u yeelan doono baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM