Xildhibanada Puntland oo ku qaybsamey doorashadii gudoomiyaha
13 Nov, 2015 (GO)- Tan iyo intii ay dhacdey doorashada gudoomiyaha Barlamanka Puntland ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu jiro is-xulafeysi siyaasdeed ee u dhexeeya xildhibanada golaha wakiilada Puntland.
Xil ka qaadistii gudoomiyaha Barlamanka Puntland oo ay iska kaashadeen xildhibaano leh aragti siyaasdeed oo kala duwan ayaa waxaa la rumeysan yahay in afhayeen cusub ee golaha wakiilada Puntland la kulmi doono waji siyaasdeed ee ka badalan kii hore.
Madaxweynaha dowlada Puntland, ku-xigeenkiisa iyo gudoomiyaha cusub ayaa wararku sheegayaan iney kulan ay wada qaateen kaga hadleen arrimaha siyaasdeed ee soo kordhey iyadoo lasoo bandhigey in xildhibanada isbaheystey la dajiyo xaaladooda.
Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu ka cududaartey in arinkaas dhexgalo isagoo u sheegey in madaxweynaha Puntland looga fadhiyo xalinteeda madaama arimaha Barlamanka faraha kula jiro.
Gudoomiyaha Barlamanka Puntland ee cusub Axmad Cali Xashi ayaa sdioo kale maalinta berri ah casumaad u fideyey dhamaan xildhibanada Puntland iyadoo qorshuhu yahay in ka codsado wada shaqeyn.
Axmad Cali Xaashi ayaa waqtigii xukuumada madaxweyne Cadde Muse kasoo noqdey afhayeenka Barlamanka Puntland kadib markii xil kaqaadis lagu sameeyey gudoomiyihii ka horeeyey.
Xildhibaanada Puntland oo lagu eedeeyo iney awoodaha dastuuriga ee golaha Barlamanka leeyahay u isticmaalaan danahooda shaqsi iyo mida beelaha ay kasoo jeedaan ayaa waxaa muuqata in fikirkaas ay badaleen qaarkood kadib markii cadaadis siyaasdeed kaga yimid shacabka Puntland.
Xildhibaanada hurmuudka u ah ee lagu eedeeyo majaro habaabinta Barlamanka Puntland kuwasoo qaarkood ka tirsana golaha wakiilada 17-kii sano ee Puntland jirtey ayaa waxaa kamid ah Saadiq Maxamad Garaad, Xuseen Yaasiin Xaaji oo ah gudoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha, Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaan oo ah gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee aqalka wakiilada, Maxamuud Faarax Warsame oo ah xubin ka tirsan Barlamanka, Maxamed Farax Nuux xildhibaan ka tirsan Barlamanka, Xiriir Gaas Gutaale xubin Barlaman iyo tageerayashooda.
Warsidaha Garowe Online oo baaris ku sameeyey siyaasada xubnahaan magacyadooda kor ku xusan ayaa ogaadey in codka Barlamanka iyo shaqada Dastuuriga ee aqalka u adeegssdaan sidii ay ku gaari lahayeen danahooda siyaasdeed iyo dhaqaale iyagoo gor-gortan joogta ah kula jira xukuumada Gaas.
Gudoomiyihii hore ee Barlamanka Puntland ayaa xildhibaanadaan waxey hurmuud ka haayeen xil ka qaadistiisa kadib markii afhayeenkii hore ka xigsadey xukuumada madaxweyne Gaas.
Xubnahaan ayaa la rumeysan yahay in madaxweynaha Puntland la socodsiiyeen iney mooshin ka keenayaan gudoomiyihii hore ee Barlamanka kuwasoo u sheegey inuusan isku dayin inuu difaaco tasoo uu aqabley.
GAROWEONLINE