​Xilli Roobaadka Dayrta oo ka curtay Garowe

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Roob si fiican u biyo dhigay ayaa caawa fiidkii hore qabtay magaalo Madaxda Puntland xilli maalmahan laga dareemayay kulayl iyo cusayb Cirka ah iyadoo lagu guda jiro xilli roobaadka Dayrta.

Wadooyinka magaalada waxaa jiifa biyo iyadoo caawa laga dareemayo qabow iyo jawi Roobaad ka duwan saacado ka hor sida ay ahayd magaalada.

Wariyaha Garowe Online u jooga Caasumadda Puntland, ayaa ku waramay in waqtigii Roobku da’ayay uu hakad galay ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka, balse ku dhawaad 40 daqiiqo kadib xaalku xaadi kusoo noqday.

Dhinaca kale nawaaxiga magaalada Garowe ayaa lagusoo waramayaa inay qabteen roobab qaboojin ah.

Xilli Roobaadka Dayrta oo xilliyadan oo kale ka da’ay dalka Somalia ayaa kusoo aaday xilli goobaha qaybtood lagasoo sheegayay abaar iyo baad la’aan.

Cirka ayaa iminka cusub waxaana la filayaa inay roobab kale ka da’aan qaybo kamid ah gobolka Nugal.

Qaar kamid ah shacabka Garowe oo la hadlayay GO, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin Nimcada Rabbi, iyagoo ALLE ugu xamdiyay raxmadiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM