Xiriirka kubadda Kolayga Puntland oo la shaaciyay

Image

08 Octobar, 2015(GO)-Shir jara'id oo maanta ku qabtay Garowe Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Puntland Axmed Cabdalla Tigaana ayuu ku shaaciyay 7 xubnood oo loo magacaabay xiriirka kubadda kolayga Puntland.

Tigaana ayaa sheegay in xubnahaasi lagu magacaabay waraaq ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo cayaaraha Puntland.

Xubnahan ayuu sheegay in ka qayb qaadan doonaan sidii loo hormarin lahaa kubadda Kolayga Puntland, waxaana maamulka gobolada ee dhanka ciyaaraha ka codsaday inay soo xulaan cayaaryahanadii matali lahaa gobol walba.

Magacaabista ayuu sheegay Agaasimuhu in wadatashi laga yeeshay, waxaana uu xusay in dhawaan la qaban doono ciyaaraha heerka koowaad ee Puntland.

Waxa uu soo hadal qaaday qabashada koobka Goboladda Puntland,waloow uusan xusin xilliga la qaban doono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM