XOG: Barlamanka Puntland oo laga filayo ansaxinta sharci saamaxaya Doorashada 2019

Image

GAROWE- Qaar ka tirsan xildhibanaada Barlamanka Puntland ayaa waxa ay keeneen mooshin ay ku doonayaan inta kalfadhiga aqalka wakiilada ee hadda socda inta uusan dhamaan laga soo saaro lifaaq saamaxaya in ay dhacdo doorashada  sanadka 2019.

Madaxweyne Gaas oo ay aheyd inuu isagu u gudbiyo aqalka wakiilada  si lifaaqaan u noqdo sharci madaama Dastuurka Puntland ee hadda jira uusan saamaxayn doorasho ku dhacda nidaamka xulashada beelaha ayaa sida warsidaha GO ogaadey inuu ka caga-jiidayo.

“Gaas oo horey u sheegey in doorashada Puntland waqtigeeda dhaceyso ayaa waxaa uu ka gaabinayaa inuu fuliyo shuruucda saamaxeysay doorasho dhaceysa bilowga sanadkaan,” sidaas waxaa yiri siyaasi ku sugan Garowe.

Sidoo kale lifaaqaan ayaa saamaxaya in beelaha Puntland bilaabaan soo xulashada xildhibaanda cusub ee kuwaas oo dooranaya sanadka soo socda bilowgiisa Madaxweyne.

“Madaxweynaha waxaa uu rabaa in maamulkaan uu galiyo xaalad jahawareer Dastuuri ah, madaama arinkaan aheyd inuu isagu soo codsado ayaa markaan aragney in kalfadhigii dhamaanayo waxaan go’aansaney in  mooshinkaan aan keeno,” sidaas waxaa yiri xildhibaan kamid ah kuwa mooshinkaan wada.

Xildhibaanada oo hadda ku guda jira ansaxinta miisaaniyada Puntland ayaa la filayaa in maalinta berri ah cod u qaadaan mooshinkaan saamaxaya in shacabka Puntland u diyaar garoobaan Doorashada Madaxweynaha oo dhaceysa sanadka 2019.

Xildhibanada mooshinkaan was qorey ayaa toradooda gaareysaa sida GO ogaadey 30 mundane.

Dastuurka Puntland oo sharciyadiisu ku saleysan tahay nidaamka xisbiyada badan ayaa sanadkii 2013 markii Madaxweynhii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole joojiyey doorashadii xisbiyada badan, taasoo ay ka-horyimaadeen siyaasiyiin uu kamid yahay Madaxweyne Gaas, ayaa waxaa uu Barlamanka Puntland u gudbiyey lifaaq waafijinaya nidaamka doorasho ee dhacey 2014.

Madaxweyne Gaas iyo ku-xigeenkiisa ayaa wareysiyo kala duwan ay saxaafada siiyeen cabsi ka muujiyey iney sheegaan musharxninadooda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM