XOG: Bosaso oo loo diidey Shilin Somaliga, dollarka oo gabaabsi ah

Image

18 Nov, 2015 (GO)- Wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in baraha kontroolada Bosaso lagu qabanayo dhamaan lacagaha Shilin Somaliga ah ee soo  galaya magaaladaas iyadoo amarkaas ay bixisay wasaarada maaliyada Puntland.

Talaabadaan ayaa timid kadib markii degaamada Puntland uu kor u kacey dalabka lacagta dollar oo ku yaraatey suuqayada saraifka gaar ahaan gobolada kale ee Puntland.

Warsidaha Garowe Online oo la hadley qaar ka tirsan sarafliyaasha lacagaha magaalada Bosaso ayaa ogaadey in xukuumada madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas wel-wel weyn ku hayso in sarifka dollarka kor u kaco magaalada Bosaso kadib markii suuqayada kale ee Puntland laga dareemey sicir barar.

Sababta keentey welwelkaan ayaa warbixintaan sheegeysa madaama xukuumada madaxweyne Gaas ku bixso mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha lacagta Shilin Somaliga ah ee lagu daabaco Bosaso ay sababtey in lacagata Shilin Somaliga ee taala suuqayada ka baxsan xarunta ganacsiga Puntland ka badato tan dollarka ( Demand and Supply).

Sarifle ku sugan magaalo madaxda Puntland ayaa Garowe Online u sheegey in dowlada markii hore lacagaha mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada ku bixin jirtey dollarka lagu baxsho cashuurta dekada Bosaso balse hada u badashey in lagu bixiyo lacagta Shilin Somaliga ee ay dabaacdo taasoo keentey in gabi ahaanba laga waayo suuqayada ka baxsan xarunta ganacsiga Puntland lacagtii dollarka.

"Kadib markii la waayey lacagtii dollarka aheyd oo laga sarifan jirey suuqayada magaalooyinka kale ee Puntland ayaa ganacsatada badeecadaha raba iney kasoo iibsadaan wadanka dibadiisa waxay bilbaabeen in Shilin Somaliga u qadaan magaalada Bosaso si ay dollar ugu badashaan balse wararka hada nasoo gaaraya ayaa sheegaya in dowlada diidey in lacag geeyo magaalada Ganacsiga." ayuu yiri sariflahaan oo la hadlaya warsidaha Garowe online.

Sarifka 100USD ayaa maanta 18 Nov,2018 waxaa uu ka maraya suuqayada Puntland 2, 400,000 Sh.So halka asbuucii lasoo dhaafey uu ahaa gacanta dambe  2, 300,000 Sh So ah taasoo wel wel ku abuurtey xukumada madaxweyne Gaas.

Lacagaha lagu daabaco magaalada Bosaso ayaa waxaa shirkad ku ah ganacsato reer Puntland ah iyo xukuumada madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

Warsidaha Garowe online oo baaris ku sameeyey qaabka faa'idada u qaybsadaan xukuumada madaxweyne Gaas iyo maalgaliyaasha makiinada lacagta faalsada Shilin Somaliga daabacdo ayaa warsidaha Garowe Online waxaa uu ogaadey sidatan:

  • Ganacsatada maalgalisay warshada lacagta ayaa xukuumada Puntland u ogaolaatey in 1000,000USD ka sariftaan suuqayada Bosaso iyagoo ku iibsanaya lacagta Shilin Somaliga ee ay ku daabacaan Bosaso. 
  • Xukuumada madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa lacagaha Shilin Somaliga ee lagu daabaco Bosaso ay ku bixinaysaa mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha.
  • Xukuumada madaxweyne Gaas ayaa dhinaca kale waxaa u baaqanaya dollarka ay ku qaado cashuurta dekada magaalada Bosaso iyadoo ganacsatada 70% ku bixiso dollar halka 30% lagu bixiyo Shilin Somali.

Hadaba suuqayada sarifka lacagaha Puntland ayaa waxey la ciirciirayaan lacagta Shilin Somaliga ah ee xukuumada Puntland ku bixiso mushaharaadka shaqaalaha, lacagaha loo saraifo xaaladaha siyaasdeed iyo Shilin Somaliga ganacsatada maalgalisey makiinadaan suuqa soo galiyaan.

Su'aasha la is waydiinayo ayaa waxay tahay halka ay gasho lacagta 70% oo dollarka ah ee dowlada Puntland canshuurta kaga qaado ganacsatada dekada Bosaso taasoo sida warabixntaan sheegeyso u baaqatey xukuumada madaxweyne Gaas. 

Warsdaha Garowe Online ayaa idiin soo gudbin doona magacyada ganacsatada ku lug leh maalgalinta warshada sameysa lacagta Shilin Somaliga iyo shirkadaha ay ka tirsan yihiin. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM