Xog: khilaaf ka taagan sii hayaha xilka Madaxweynaha Puntland

Image

May 5, 2015 (GO)- Khilaaf ayaa ka dhashay cidda sii haynaysa xilka Madaxweynaha Puntland, xilli ay Puntland ka maqan yihiin Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Cumar Camey.

Madaxweyne ku-xigeenka oo isagu sii hayey xilka madaxweynaha ayaa shalay ka dhoofey magaalada Gaalkacayo isago hadda ku sugan xarunta Jubaland ee Kismaayo. Camey ayaa xilka uga sii tegey Wasiirka Cadaaladda Ismaaciil Maxamed Warsame.

Tallaabadaas waxaa si aad ah uga caroodey Guddoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire oo ku tilmaamey mid sharci darro ah maadaama [sida uu sheegay] hab-maamuuska dowladda Puntland dhigayo haddii madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu dalka ka maqan yihiin in guddoomiyaha barlamanku sii hayn doono xilka madaxweynaha.

Isla maanta wuxuu guddoomiyaha barlamanku soo saarey qoraal uu ku cadeynayo inuu yahay sii hayaha xilka madaxweynaha, qoraalkan oo nuqul kamid ah Garowe Online heshay ayaa u qornaa sidan:

Qoraal Guddoomiyaha Barlamanka
GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM