XOG: Madaxweynaha Puntland oo lagu qancinayo nidaamka 4.5

Image

December 11, 2015 (GO)- Ila-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jiraan sidii Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland loogu qancin lahaa in doorashada 2016 lagu saleeyo nidaamka 4.5.

Kadib shir muddo hal maalin ah qaatey oo Muqdisho ka dhacay (December 8, 2015) waxaa 48dii saac ee lasoo dhaafay kulmo gaar gaar ah yeelanayey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Galmudug Cabdixakiim Guuleed iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shiriif Xasan.

Kulamadan dambe oo gebi ahaanba ay dibadda ka joogeen xubnaha qaybta ka ah wufuudda Puntland, Jubalnad, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxay ujeedadooda koowaad ahayd sidii dhinacyada Puntland iyo Jubaland loogu qancin lahaa inay ogolaadaan in xildhibaannada baarlamaanka cusub lagu soo xulo nidaamka 4.5.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa u ololeynaya in arrintan xal laga gaaro kahor  shirka Istanbul. Shirkaasoo ay kasoo qayb geli doonaan wufuud tira badan oo ka socota beesha caalamaka, waxaa lagu shaacin doonaa mowqifka madaxda Soomaalida ee ku aaddan Higsiga 2016 iyo hannaanka lagu soo xuli doono xildhibaannada baarlammaanka laguna dooran doono madaxweynaha.

Kulan ayaa la filayaa in maalinta Sabtida 11 Dec, 2015 isugu yiamaadaan madaxda maamulada Somalia iyo dowlada Federaalka kaasoo lagaga hadli doono go'aamada lagu soo gaaro shirarka gooni goonida ah ee ka soconaya xarunta Villa Somalia.

Dhinaca kale Afti dhowaan  laga qaaday dadweynaha ku nool lix degmo oo ka tirsan Puntland (Bosaso, Garowe, Galkacayo, Qardho, Badhan iyo Tukaraq), kuna saabsaneyd qaabka ay u dhacayso doorashada Soomaaliya ee soo socota, waxay dadweynaha Puntand si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in doorashada lagu saleeyo degmooyin.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shiriif Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo ay saaxiibo dhow yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u ololeynaya in baarlammaanka cusub lagu soo xulo nidaamka beelaha ee 4.5, balse waxaa fikirkaas horay u diidey Puntland iyo Jubaland.

Haddii doorashada 2016 noqoto mid saldhig looga dhigo habka 4.5, waxay taasi fursad siineysaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxda ay isku siyaasadda yihiin in talada wadanka mar-labaad ku guuleystaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM