XOG: Madaxweyne Gaas oo isku badalaya golihiisa xukuumada

Image

GAROWE Jan 4, 2016 (GO)- Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas uu qorsheynayo inuu isku-shaandheyn ku sameeyo qaybo kamid ah golihiisa xukumada wakhti dhow.

Xogtaan ayaa tibaaxeysa in isku-shaandheyntaan laga yaabo in madaxweyne Gaas sameeyo kadib barnaamijka loogu magacdarey la xisaabtanka golaha wasiirada Puntland kaasoo maalmahaan ka socdey xarunta wasaarada caafimaadka Garowe.

Lama oga cida ay saameyn doonto balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in isbadalka ku imaan doono wasiir ku-xigeenada, wasiiru dowlayaasha iyo qayb kamid ah wasiirada madaxweyne Gaas saluugsan yahay kadib shirka magaalada Kismayo madaxda Soomalida isugu imaan doonto Jan 10, 2016 hadii uusan dib u dhac ku imaan. Halkan ka akhri.

Isku shaandheyntii hore ee xukuumada Puntland lagu sameeyey ayaa hadal haynteedu soo baxdey dhamaadkii dhageysiga sanad-laha ahaa Jan 2015 iyadoo madaxweyne Gaas ku dhawaaqey liiska goloaha wasiirada cusub Jun, 2015 kadib dib u dhac aan la sababeyn. Liiska golaha wasiirada Puntland ee lagu dhawaaqey June 2015 ayaa waxaa ka maqanaa wasiir ku-xigenada iyo wasiiru dowlayasha.

Ku dhawaaqis lagu sameeyo gole xukuumadeed ee cusub ayaa noqoneysa midii sadexaad ee madaxweyne Gaas sameeyo tan iyo intii uu la wareegey talada Puntland Jan 2014.

Dadka siyaasada gobolka la socda ayaa aaminsan in barnaamijkan la xisaabtanka wasiirada Puntland ee la qabto sanad walba bilowgiisa tahay siyaasad cusub oo madaxweyne Gaas ku sababeeyo sidii uu isku-shaandheyn ugu sameyn lahaa golahiisa xukuumada.

Dadweynaha Puntland ayaa siyaabo kala duwan ka aaminsan barnaamijkaan balse madaxweyne Gaas waxaa uu ku tilmaamey mid shacabku kula xisaabtamayaan xukuumadiisa.

Shirka la xisaabtanka xukuumada  ayaa ku beegmaya xilli shaqaalaha hay'adaha dowlada Puntland aysan si joogta ah u helin mushaharkooda iyo adeegyada ay ku fulin lahaayeen qorshayaashooda sanadka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM