XOG: Madaxweynaha Puntland oo isbadal ku sameynaya xukumadiisa
Nov 11, 2015 (GO)- Warar warsidaha Garowe Online ka helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland qorsheynayo inuu isku-shaandheyn u badan wasiir ku-xigeenadiisa, wasiiru dowlayaasha iyo agaasimyaasha guud sameyn doono sanadkaan dabayaaqadiisa.
Qaar ka mid ah wasiirada ayaa la filayaa iney saameyn ku yeelato isku-shaandheyntaan kuwasoo la sheegey in madaxweynaha Puntland ku qanacsaneyn shaqadooda.
Golaha xukuumada Puntland ayaa isbadal lagu sameeyey June 16,2015. taasoo aysan saameyn ku yeelan wasiir ku-xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya sidoo kale in madaxweynaha Puntland gudoomiyihii hore ee Barlamanka Siciid Xasan Shire u soo bandhigey inuu kamid noqdo golahiisa wasiirada balse la sheegey inuu diidey.
Xisaabtanka beelaha Puntland ayaa ka dhigeya in la fisho isbadal ku yimaada wasaaradaha waxbarashada iyo xanaada xoolaha kuwasoo madax ka yihiin wasiiro kasoo kala jeeda gobolada Sanaag iyo Hayland.
Dhinaca kale madaxweynaha Puntland ayaa isbadalo ku sameynaya agaasimayasha guud iyadoo wararku sheegayaan inuu aad u saluugsan yahay shaqsiyaad uu xilal kala duwan u magacaabey.
Agaasimyaasha wasaaradaha qaarkood ayaa banaan kadib markii wasiirada wasaaradaha shaqo joojin ku sameeyeen halka kuwa kale lagu soo eedeeyey musuqmaasuq.
Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa dhibaato farabadan ka haysataa xulashada mas'uuliyiinta dowlada iyadoo dadka siyaasdiisa naqdiya ku eedeeyaan in uusan aqoon farabadan u laheyn dadka reer Puntland.
GAROWEONLINE