XOG: Maxaa xilligan ku soo beegay booqashada Gudoomiyaha Maxkamada Dastuuriga ah ee Norway?
GAROWE, Soomaaliya - Gudoomiyaha Maxkamada Dastuuriga ah ee Puntland Xasan Yusuf Nuur ayaa sheegtay inuu xanuun ku dhacay si uga safro dalka.
Xogo aan ka helnay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in gudoomiyaha uu cadaadis kala kulmay dad ku dhow madaxweynaha xilka haaya Saciid Deni, si uusan u furin dacwadaha hor yaala.
Maxkamadda Dastuuriga oo kaalin mug leh ka qaadata ka go’aan gaarista arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah, ayaa wakhtigan ku hawlan kiisas badan oo miisan leh.
Maxkamadda ayaa la sugeyey inay go’aan ka gaarto afar dacwadood oo kala ah:
Dacwad ay gudbiyeen 8 xildhibaan oo baarlamaanka ka tirsan, taasoo aan weli la shaacin natiijada ka soo baxday, laba dacwad oo ay gudbiyeen xisbiyada mucaaradka ee kala ah Horseed iyo Mideeye, iyo mid ay soo oogeen Madasha Siyaasiyiinta.
Dacwadaha ay gudbiyeen Xisbiyada Horseed, Mideeye iyo Madasha Siyaasiyiinta, ayaa la xiriirta furista dastuurka iyo natiijadii Doorashada Goleyaasha Deegeenaka oo ay u arkaan mid aan cadaalad ahayn, oo lagu dhisay khaladaad dastuuri ah.
Safarka Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa niyad jab ku noqday xubnaha kale ee maxkamadda oo ka kooban 9 garsoore, iyadoo go’aamada laga sugayo maxkamadda ay yihiin kuwoo muhiim u ah mustaqbalka Puntland.
Xog ay heshay Garowe online ayaa sheegaysa inuu jiro khilaaf u dhaxeeya xubnaha maxkamadda oo ku saabsan furista dastuurka, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay diideen inay u hogaansamaan amarrada Saciid Deni.
Ilo ku dhow gudoomiyaha ayaa kor u qaaday suurtagalnimada inay jiraan cadaadis dibadda ah oo saameyn ku yeeshay go’aankiisa ah inuu daweyn u raadsado Norway.
Norway ayaa ka mid ah wadamada dhaqaalaha ku bixiyay doorashooyinka deegaanada, waxaana xusid mudan in Gudoomiyaha maxkamada sare uu heysto dhalashada dalkaas.
Ilo wareedkan ayaa tilmaamaya in shaqsiyaad xiriir dhow la leh Siciid Dani oo uu ka mid yahay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland Axmed Yuusuf Taaraan ay door muhiim ah ka qaateen sidii guddoomiyaha loogu qancin lahaa in uu safarkaasi galo.
Duruufaha ku gedaaman safarka caafimaad ee gudoomiyaha ayaa shaki ku abuurtey shacabka Puntland. Maqnaanshaha gudoomiyaha xilli ay dadka ka sugayaan go'aamo masiiri ah ayaa sii kordhinaysa hubanti la'aanta ee xiliga kala guurka.
GAROWE ONLINE