Xog: xiisad ka taagan xil ka qaadista Duqa Bosaso

Image

May 26, 2015 (GO)- Kadib markii uu soo baxay warka sheegaya in Madaxweyne Cabdiweli Gaas qorsheynayo xil ka qaadista qaar kamid ah mas'uuliyiinta maamulka gobolka Bari gaar ahaan duqa degmada Bosaso, ayaa waxaa arrintaas ka dhashay xiisad siyaasadeed iyo khilaaf soo kala dhex galay isimmada iyo waxgaradka.

Madaxda dhaqanka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha dega  Bosaso gaar ahaan beesha uu kasoo jeedo Duqa Degmadu ayaa isku khilaafsan go'aanka Madxweyne Gaas ee ku aaddan xil ka qaadista Xasan Cabdalle Xasan.

Xubno uu kamid yahay Xaaji Xuseen Gacayte oo isagu ah maal qabeen kamid ah odayaasha sida weyn looga tixgeliyo gobolka ayaa hormuud ka ah dadka u ololeynaya in xilka laga qaado Xasan Cabdalle Xasan.

Xaaji Xuseen iyo xubnaha la fikirka ah ayaa doonaya in golaha deegaanka la kala diro islamarkaana xilka duqa si kumeel gaar ah loogu soo magacaabo Maxamed Siciid Shabeel (Bocool) oo isagu wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Iskaashiga Caalamig ah  kasoo noqdey dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Xubnaha kale ee loo rabo xilka duqa waxaa kamid ah Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino).


Dhinaca kale, isimka guud ee beesha maayerka Bosaso kasoo jeedo Ugaas Xasan Ugaas Yaasin, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax iyo wakiilka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil ayaa diiddan in xilka laga qaado guddoomiyaha islamarkaana la kala diro golaha deegaanka.

Isimmada ayaa ku doodaya in xilligan aysan munaasib ahayn in la kala diro golaha deegaanka, maadaama marxalad adag lagu jiro waqtiga golaha deegaankuna gabaabsi yahay. Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in ay madaxweynaha kula kulmaan xarunta madaxtooyada ee Bosaso si arrintan xal looga gaaro.

Golaha deegaanka Bosaso waxaa la dhisey August 16, 2011, waxaana waqtigiisa uga dhiman muddo sanad iyo labo bilood ah.

Dastuurka Puntland qodobkiisa 123 faqradihiisa saddexaad iyo afraad ayaa qeexaaya in muddada xilka goleyaasha deegaanka Puntland tahay shan sano iyo weliba in kala dirista golaha deegaanka loo marayo xeerka goleyaasha deegaanka.



Xulafeysi bilowdey!

Mas'uuliyiin dhowr ah oo Madaxweyne Cabdiweli Gaas qorsheynayo inuu xilka ka qaado ayaa bilaabay inay is xulafeystaan iyagoo si wadajir ah u diidan go'aanka madaxweynaha.

Mas'uuliyiintaas waxaa kamid ah Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan, Duqa Boosaaso Xasan Cabdalle Xasan, Taliyaha Booliska Bari Cabdixakiim Xuseen iyo saraakiil ka tirsan ciidamada ilaalada dekedda Bosaso.

Madaxweyne Gaas ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo uga imaanaya beelaha, waxaana aad loogu dheg taagayaa sida ay maalmaha soo socda xaaladdu noqon doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM