Xoghayaha D/hoose Galkacayo oo eedeyn iska fogeeyey

Image

Xoghayaha Degmada Galkacyo C/qaadir Warsam Kooshin ayaa maanta  16 August ,2014 waxaa uu iska fogeeyay eedaymo loo soo jeediyay kuwaasi oo salka ku hayay lunsashada hanti ay iska lahaayeen shacabka Degmada Galkacyo .

Kooshin waxa uu sheegay in arintaasi ay tahay dacaayad laga fidiyay isla markaana uusan dhunsan wax hanti ah oo ay leeyihiin shacabka Galkacyo.

Arrintan ayuu dusha uga tuuray faafinteeda inuu ka dambeeyay Gudoomiyaha Degmada Galkacyo C/casiis Jaamac Nugaaal oo sheegay in dhawaan uu soo saarey waraaq uu xilka kaga qaadayo , balse taasi suurta gali weyday markii ay gaartay Madaxtooyada Puntland iyo Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha oo uu sheegay in xilka qaadistiisa uu isagu leeyahay.

"Arintaasi waxba kama jiraan wasaaradana waa taan tagnay waagii dhaweyd oo Gudiga la qabtay oo ilaa madaxtooyada iyo meel walba gaartay,hadana Wasiirka arrimaha Gudaha waa nala joogaa,Waxaasi waa dacaayad dhaqanna uma lihi aniga ILAAHAY waa iga koriyay inaan musuq maasuqo hanti ay iska leeyihiin shacabka masaakiinta ah oo ku jira xilliga adag" Ayuu yiri Kooshin".

Xogahayaha Degmada Galkacyo ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan arrimo kale oo ay wadaan dhalinyaro shaqaale ah iyo Askar amar horey loo siiyay kuwaasi oo buuq sameeyay , hase ahaatee sida uu sheegay uusan u joojin shaqadiisii.

"Eedaymahaa cidii iga fidisay aakhiro iyo aduun waan la sugayaa , Aniga waa la i xaman karaa waxa waa la iga sheegi karaa balse waxaan jirin maxkamada ILAAHAY ayaan la hortagaayaa" sidaasi waxaa yiri C/qaadir Warsame Kooshin". 

17 July,2014 ayaa waraaq ka soo baxday  xafiiska Duqa Degmada Galkacyo C/casiis Jaamac Nugaaal waxaa xilka looga qaaday Xoghayaha degmadaasi Kooshin taasi oo dhalisay muran xooggan oo u dhaxeeyay labada masuul ugu danbeyntiina dhex galeen Guddi loo sarey hawshooda, taasi oo markii danbe go'aamiyeen in duqa uusan lahayn xilka qaadista xoghaya Galkacyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM