Xoghayaha dowladda hoose degmada Garowe oo la magacaabay [Dhagayso]

Image

24 Octobar, 2015(GO)-Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Garowe ayaa loo magacaabay Axmed Yuusuf Axmed, ka dib digreeto ka soo baxday wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.

Axmed Yuusuf ayaa ka mid ah dhalinyarada dalka dibadiisa wax ku soo bartay, waxaana uu hadda ka mid yahay macalimiinta wax ka dhigta Jaamacadda Bariga Africa faraca Garowe, waana hormuudka qaybta culuumta bulshada.

Xoghayaha cusub oo la hadlay Radio Garowe ayaa soo dhaweyay xilka loo magacabay, wuxuuna tilmaamay inuu shaqadan u leeayahay aqoon iyo karti, maadaamada uu soo bartay arrimaha dowladaha hoose.

Axmed ayaa tilmaamay inuu wax ka qaban doono arrimo ay ka mid tahay hormarinta Caafimaadka, xoojinta xiriirka bulshada iyo dowladda hoose.

Waayadan dambe Garowe, waxaa laga dareemayay hadal haynta cidda loo magacaabayo xilka xoghayaha, ka dib markii xoghayihii hore Qaasim Maxamed Cabdi loo magacaabay Ku-xigeenka Gudoomiyaha gobolka Nugal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM