​Xoghaye loo magacaabay Godob jiraan Nugal

Image

GAROWE- Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan, ayaa lagu magacaabay xoghaye cusub oo yeelato degmadaasi, waxaana lagu magacaabay Cabdi Faarax Maxamed. 

Cabdi oo magacaabista kadib lahadlay Radio Garowe, ayaa soo dhaweeyay xilka loo dhiibay wuxuuna sheegay inuu wax kaqaban doono arrimo ay kamidtahay wadooyinka, nadaafadda iyo isku xirka bulshada isagoo u mahadceliyay wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha. 

Magacaabista xoghayaha ayaa timi kadib markii dhawaan gole deegaan loo dhisay degmadan tan iyo 2007 markaasi oo kusoo biirtay degmooyinka gobolka Nugal. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM