Xoghaye mar kale loo magacaabay degmada Garowe

Image

02 November, 2015(GO)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa maanta soo saartay waraaq lagu magacaabay Xoghayaha dowladda hoose degmada Garowe.

Waraaqdan oo uu ku saxiixanyahay wasiir ku-xigeenka wasaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero ayaa lagu magacaabay Cabdiqafaar Cabdiraxmaan.

Oct 24, 2015 ayay ahayd markii Wasiirka wasaaraddaasi Axmed Karaash uu soo saaray waraaq uu ku magacaabay Xoghaye cusub oo lagu magacaabo Axmed Yuusuf Maxamed, balse, waxaa ka soo horjeestay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo watay ninka maanta la soo magacaabay.

Wasiirka Karaash ayaa ka maqan dalka, waxaana dabada ka riixayay in laga laabto magacaabistii hore Madaxweynaha Puntland oo isna ku maqan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Lama caddayn sababta rasmiga ah ee looga laabtay magacaabistii hore, qoraalka wasiirka ku-xigeenkana kuma cadda.

Waa markii ugu horraysay taariikhda Degmada Garowe dhacdo in la soo magacaabo labo Xoghaye.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM