Xoghaye mar kale loo magacaabay degmada Garowe

Image

02 November, 2015(GO)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa maanta soo saartay waraaq lagu magacaabay Xoghayaha dowladda hoose degmada Garowe.

Waraaqdan oo uu ku saxiixanyahay wasiir ku-xigeenka wasaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero ayaa lagu magacaabay Cabdiqafaar Cabdiraxmaan.

Oct 24, 2015 ayay ahayd markii Wasiirka wasaaraddaasi Axmed Karaash uu soo saaray waraaq uu ku magacaabay Xoghaye cusub oo lagu magacaabo Axmed Yuusuf Maxamed, balse, waxaa ka soo horjeestay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo watay ninka maanta la soo magacaabay.

Wasiirka Karaash ayaa ka maqan dalka, waxaana dabada ka riixayay in laga laabto magacaabistii hore Madaxweynaha Puntland oo isna ku maqan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Lama caddayn sababta rasmiga ah ee looga laabtay magacaabistii hore, qoraalka wasiirka ku-xigeenkana kuma cadda.

Waa markii ugu horraysay taariikhda Degmada Garowe dhacdo in la soo magacaabo labo Xoghaye.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM