Xildhibaano la dhaariyay iyo doorasho barri ka dhacaysa Qardho [Akhriso]

Image
Image
Image
Image
Image

23 Septembar, 2015(GO)-Guddiga dhismaha golaha deegaana degmada Qardho ayaa soo saaray liiska xildhibaanada golahaasi.

Xafladda lagu shaacinayay liiska ayaa sidoo kale lagu dhaariyay xildhibaanada cusub, waxaana barri la qorshaynayaa inay dhacdo doorashada golaha deegaanka degmada Qardho sida laga soo xigtay mas'uuliyiin ka tirsan guddiga arrintaasi loo xilsaaray.

Xubnaha golaha deegaanka degmadaasi ayaa ka kooban 29 xildhibaan, sida ku muujisay liiska ay soo saareen guddigu.

Mushariix kala duwan ayaa u tartamaya hogaanka golaha deegaanka degmada Qardho, waxaana galinka hore ee Arbacada 23 september la qorshaynayaa in doorashadu ka dhacdo xarunta gobolka Kar-kaar.

Magalada Bosaso ayaa sidoo kale waxaa ka socoto soo xulista xildhibaanada golaha deegaanka degmadaasi, xarunta ganacsiga Puntland ayaana muddo lahayn wax gole deegaan ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM