Xubno ka tirsan wasiirada cusub ee PL oo la dhaariyey

Image
Image
Image
Image

GAROWE June 17, 2015 (GO)- Waxa maanta xafiiska Madaxweynaha Puntland ee magaalo madaxda Garowe lagu dhaariyey afar wasiir oo kamid ah xubnihii loo magacaabey wasiirrada isku-shaandheynta lagu sameeyey.

Xafalad kooban ayaa lagu dhaariyey Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Cabdi Xirsi Cali Qarjab, Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Shiikh Axmed, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland Cabdi-jamaal Cismaan Maxamed iyo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi.

Dhaarta kadib ayaa Madaxweynaha Puntland waxaa uu hambalyo u direy dhamaan wasiirada la magacaabey isaga oo u rajeeyey in ilaahey u sahlo shaqada loo magacaabey.

"waxaan idinkula dardaarmayaa inaad sida aad ugu dhaarateen dalkiina iyo dadkiina ugu shaqeysaan , daacad u ahaataan , wixii masuuliyadiina wax u dhimaya idinkana leexinaya ujeedooyinka , himilooyinka iyo waxa laydinka filayana wax u dhimaya oo idinka weecinayana ka leexataan ‘’ ayuu yiri Madaxweyne Gaas oo hadal ka jeediyey munaasabadaan. .

"24-ka saac inaad shaqeysaan baa laydinka rabaa , masuuliyad baa idin saaran intaas oo umadana waa idin sugaysaa , waa howl aad iyo aad u dhib badan waana muhiim in xilkiina aad gudataan" ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM