Xukun lagu riday askari Boosaaso ku dilay taliye oo la ayiday

Image

BOOSAASO, Puntland – Maxkamadda Rafcaanka ciidanka qalabka sidda ee Puntland ayaa maanta ayiday xukun dil toogasho ah oo ku ridday askari.

Axmed Aadan Maxamed Gaagaale ayaa lagu eedeeyay dilka taliyihii garoonka diyaaradaha magaaladda Bosoaaso, Xasan Shire Amaan.

Amaan ayaa la toogtay 7-da bishii December ee sanadkii 2015-kii. Axmed, sidda la sheegay, wuu baxsaday kadib fal-dambiyeedkaas.

Hase yeeshee, dadaal badan kadib, dowladda Puntland ayaa waxay ku guuleysatay in gacanta lagu soo dhigo.

Garsooreyaasha ayaa carabka ku adkeeyay in go'aankan ay gaareen kadib markii "ay ku qanceen caddeymaha waafiga ah ee la horgeeyay".

Dhinaca kale, maxkamadda ayaa waxay go’aamisay in Axmed Aadan Maxamed [Gaagaale] la siiyo 67-halaad oo diyo ahaan ah.

Talaabadan ayaa waxaa lagu saleeyay "dhaawacyo Mr Gaagaale soo gaarey" intii lagu guda jiray howlgaladii suurtageliyay in lasoo qabto.

"Diyadaas waxaa bixin doonta dowladda Puntland ee Soomaaliyeed," ayay isku raaceen garsooreyaasha Maxkamadda rafcaanka Ciidamadda ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM