Xukuumada Deni oo looga digay kala qeybinta dhaqanka Nugaal

Image

GAROWE, Puntland – Indheer-garadka gobolka Nugaal oo Arbacadii shalay ku kulmay caasimadda Garowe ayaa cod dheer waxay ku cambaareeyeen Garaad ay shegeeen in la qorsheynayo in lagu caleema-saaro magaala madaxda.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirkooda ayay uga digeen dowladda Puntland in ay ka fogaato faragalin ay ku sameyso talaabada noocaan ah oo ay tibaaxeen iney wax u dhimeyso  midnimada iyo isku-duubnidda dadka daga gobolka Nugaal.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa warsidaha Garowe Online u sheegaya in xafiiska madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni uu si qarsoodi ah ugu lug-leeyahay arrinkan.

Madaxweyne Siciid Cabdulahi Dani ayaa mudadii uu xilka hayey waxaa uu wadey qorshayaal uu meesha kaga saarayo dhaqanka Puntland kuwaas oo udub dhexaad u ahaa dhismihii maamulkaan oo hadda jirsadey 24 sano.

"Madaxwaynuhu si uu ugu hirgalo barnaamijkiisa muddo kororsiga wuxuu horey u maagay Isimada isaga oo sheegay in uu ka talaabsan doono, sidaas darteedna arrintan waxay u muuqataa mid uu isaga horkeenayo bulshada," ayuu yiri mid kamid ah waxgaradka Puntland oo warsidahaan kula hadlay khadka taleefanka.

Gobolka Nugaal ayaa leh kaliya laba hogaan dhaqan oo kala ah; Islaan Ciise Islaan Maxamad iyo Suldaan Siciid Maxamad Garaase iyadoo Garaadka la sheegayo in la caleema-saarayo loo arko talaabo la doonayo in lagu abuuro khalkhal-gelin iyo abuurida jawi kala qeybsanaan ah.

Deni oo ku guda jira mudadii ugu dambeeysay ee xilheyntiisa ayaa mudadii uu xafiiska joogay waxa uusan cilaaqaad wanaagsan la lahayn Isimada Puntland waxaana dhowr madal uu ka sheegay in uu doonayo in meesha ka saaro.

Barnaamijka haatan xukuumadiisa ay taageerada u raadineyso ee astaanta looga dhigay dimuqraadiyadda balse uu ku hoos-jiro ajande xukun dheereysi ah ayaa sidoo kale waxaa hadal hayn u ah la dagaalanka odayaasha dhaqanka iyo Isimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM