Xukuumada Puntland oo dib uga noqotey cashuur ay soo rogtey

Image

Jan 5, 2016 (GO)- Kadib saaka markii Bosaso ku waabiriisatey dukamada iyo dekada oo xiran kadib markii cashuur kadis ah xukuumada madaxweyne Gaaas ku soo rogtey qaar ka tirsan badeecadaha yimaaada Puntland.

Kulan ay isugu yimaadeen xarunta rugta ganacsiga tiro ka tirsan wasiirada xukuumada madaxweyne Gaas ee ku sugan Bosaso iyo ganacsatada ayaa waxaa kasoo baxey in cashuurta dib loogu noqdo.

Xogagaal ka tirsan ganacsatada Puntland oo la hadley Garowe Online ayaa sheegey in amarka lagu joojiyey cashuurta cusub uu baxshey madaxweyne Gaas kadib markii wasiirada kulakaan ku sugnaa wadatashi la sameeyeen.

Dib u noqosho-ada xukuumada ayaa wararka sheegayaan iney keentey kadib markii mudaharadka ganacsatada ku soo beegmey safar madaxweyne Gaas qorsheynayo inuu ku yimaado magaalada Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM