Xukuumada Gaas oo ka hadlin lacagta lagu daabacayo Bosaso

Image

8 Sept, 2015 (GO)- Waxaa maalintii shaley 7 Sept,2015  baaqdey galinkii hore iyo dambe warsaxfadeed laga sugayey in xukuumada madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas  kaga hadasho daabacada lacag Shilin Somali ah oo maalmihii ugu dambeeyey lagu bixiyey mushaharaadka ciidamada iyo adeegyada dowlada.

Xukuumada madaxweyne Gaas ayaa go'aansatey iney ka hadasho lacagtaan lagu daabacey magaalada Bosaso kadib markii Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somali Bashiir Ciise Cali  ku tilmaamey sharci daro halka saxaafada xorta ah horey u shaacisay qorshaha lagu soo saarayey shilin Somaliga been abuurka ah.

Xukuumada madaxweyne Gaas ayaa talaabadan qaadey kadib markii ay ku guuldareysatey iney cashuurtii laga qaadayey shacabka Puntland ku bixiso mushaharka lagu leeyahay iyadoo door bidey in aamusnaan lacagtaan suuqa kusoo galiso.

Daabacada lacagtaan ayaan lagala tashan Barlamanka Puntland iyo shacabka reer Puntland iyadoo talaabadan dabada ka riixayaan ganacsato iyo shaqsiyaad raadinaya iney ka faa'idaan xukunka madaxweyne Gaas inta uu talada hayo.

Warsidaha Garowe online ayaa fahansan in baahida lacageed ee ka jirta xafiiska iyo dadka ku wareegsan madaxweynaha talada haya ee Puntland sababtey in lacagtaan la daabaco.

Shacabka iyo saxaafada Puntland ayaa dhagaha u taagaya in xukuumada Puntland laga maqlo sababta keentey daabacada lacagtaan taasoo sharciyadeeda la isku haysto.

Warsidaha Garowe online ayaa idiin soo bandhigi doona shaqsiyaadka xukuumada uga shaqeeya daabacada lacagtaan iyo kuwa rayidka ah ee ka dambeeya hirgalinteeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM