Xukuumadda Puntland oo meelmarisay Miisaaniyadda Lixda bilood

Image
Miisaaniyadda Lixda bilood ee (June-December) 2024, ayaa dhan $207, 009, 112.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga , Geedi-socodka Doorashooyinka Golaha Deegaanka, Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee June - December 2024, Illaalinta Deegaanka iyo Todobaadka dhaqanka Puntland oo caawa soo xirmaya wuxuu socday (31 May illaa 06 June ) 2024.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha keentay Miisaaniyadda Lixda bilood ee (June-December) 2024, taasi oo dood iyo falanqeyn ka dib uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Goluhu.

Miisaaniyadda Lixda bilood ee (June-December) 2024, ayaa dhan $207, 009, 112, waxayna korortay 10% marka la barbardhigo lixda bilood ee hore ee (Jan-June 2024). 

Golaha Wasiirada waxaa booqasho sharafeed ku yimi Kooxda Kubadda Cagta ee Homboboro FC oo wadata Koobkii Horyaalka Naadiyada Puntland ee ay ku guuleysteen, waxaa lagu maamuusay in ay Koobka horkeeneen Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo guud ahaan Golaha. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM