Xulka gobolka Mudug oo u baxay Finalk-ka Tartanka Gobollada Puntland

Image

GAROWE, Soomaaliya - Xulka Mudug ayaa u baxay kama-dambaysta tartanka ciyaaraha gobolada Puntland, markii uu galabta kulankii afar dhamaadka ka badiyay xulka G. Bari.

Xulka G. Bari ayaa ku dhibaatooday in ay iska xamilaan cadaadiska daqiiqadihii ugu dambeeyay uga imaanaayey dhiggooda G. Mudug.

Balse, Labada xul oo soo badhigay ciyaar aad u wanaagsan ayaa isla aaday rikoodhayaal si loogu kala boxo ciyaarta. Waxa ayna guushu raacday xulka G. Mudug.

Xulka Mudug ayaa final-ka kula kulmi dooono Xulka Nugaal oo markii 5-aad oo xiriir ah tiigsado kama-dambaysta tartanka ciyaaraha gobolada Puntland.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM