Xulka Nugaal oo ku guuleystey tartanka kubadda koleyga Puntland

Image
Image
Image
Image

March 14, 2015 (GO)- Xulka kubadda koleyga ee gobolka Nugaal ayaa ku guulystay tartan kubadda koleyga ah oo muddo asbuuc ah ka soconayey magaala madaxda Puntland ee Garowe.

Gobollada Nugaal, Mudug iyo Karkaar ayaa tartanka ka qeybgalay, waxaana gabagabadii final-ka isgu soo haray gobllada Nugaal iyo Mudug.

Cayaarta kama dambeysta oo ahayd mid aad uxiisa badan wexey guusha ku raacday xulka kubadda koleyga gobollka Nugaal.

Tartankan ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee noociisa ee lagu qabto Puntland, waxaana la filayaa in sanadaha soo socda dhammaan gobolladu kasoo qayb galaan.

Xulka gobolka Nugaal ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey ku guuleystay tartanka kubadda cagta ee gobollada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM