Xuquuqda beelaha la hayb sooco oo Garowe looga hadlay

Image
Image
Image
Image

December 10, 2014 (GO)- Kulan looga hadlayey u qareemista beelaha laga tirada badan yahay oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Wasaarada Haweenka Puntland iyo Hay'adda Cilmi Baarista Puntland PDRC ayaa maanta lagu qabtey isla xarunta PDRC ee Garowe.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda oo Madaxweynaha, Gudoomiyaha Barlamaanka, Wasiiro iyo xildhibaano kamid yihiin ayaa kulankaas kasoo qayb galay, waxaa sidoo kale kulanka lagu casumey xubno ka socdey qaybaha kala duwan ee bulshada sida: isimada, culimaa'uddiinka, ururada haweenka iyo dhallinyarada.

Madaxewne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga gudbo dhaqanka ku saleysan hayb sooca oo sida uu tilmaamay anshaxa suuban iyo diintaba aan munaasib ku ahayn.

''waxani waa dhaqan xun diinna maahan , waa dhaqan liita kana soo horjeeda bini'aadamnimada , waa dhaqan aan wax garowshiiyo ah lahayn inaba ha le'eg kaatee waana dhaqan xad gudub ku ah karaamada qofka bini'aadamka ah''Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhanka kale ugu baaqay hay'adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka shaqeeya xuquuqul insaanka inay il gaar ah ku hayaan sidii loo dabargoyn lahaa dhaqanka hayb sooca, dadka la hayb soocana xuquuqdooda u heli lahaayeen.

Agaasime ku xigeenka Hay'adda PDRC Cali Faarax oo isna goobta ka hadlay ayaa soo dhoweeyey kulankan oo sida uu tilmaamay muhiim isagoo ku baaqay in kulamada caynkan oo kale ah lasii dardar geliyo.

GAROWE OLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM