12-jirka ku haminaya in uu lacagta baalashnimada ka noqdo macalin
KISMAAYO, Jubbaland – Baalashleyaasha [xubnaha dhaqa[caseeya] badankooda waa caruur, inkasta oo ay ku jiraan tirro yar oo dhalinyaro qaan-gaar ah.
Marka aad si hoose ula sheekeysato, mid walba oo iyaga kamid ah ma aysan jeclayn in uu noqdo, haddana daruuf ayaa ku kaliftay.
Intaasi waxaa wehlisa in qaarkood ay il-dhaqaale u yihiin qoyskooda, maadaama qeybtooda ay waayeen mid kamid ah labadooda waalid.
Iyadda oo ay xusid mudan tahay in la xuso dhibaatadooda, haddana waxaa jira qaar labadooda waalid ay joogan balse iyagu goostay.
Wallow ay ku kala duwan yihiin riyooyinkooda, haddana waxaa ka siman yihiin in ay doonayaan in ay ka baxaan nolosha adag.
Cabdiwahaab, waa 12-jir ku nool Kismaayo, xarunta ku meel gaarka Jubbaland, waxa uu aabihii oo beerelay ahaa dhintay isaga oo yar.
Hooyadii waxay ku nooshahay tuulo lagu magacaabo Gosh, oo ka tirsan gobolka Jilib, oo ay Al-Shabaab gacanta ku hayso.
Xarunta gobolka Jubadda Hoose, ee koonfurta Soomaaliya, waxa uu kula nool-yahay Ayeeyadii, taasi oo aanan awood u lahayn in ay noloshiisa maareyso.
Balse isaga ma aysan niyad-jabin noloshaasi adag, waxa uu kala qeybiyey waqtigiisa, isaga oo gelin wax barta, gelinka kelana shaqeysta.
"Wax xoogaa yar oo aan helo, waxaan la wadaagaa Hooyadey iyo Ayeeyadey," ayuu yiri, isaga oo aad ugu qanacsan qadarta EEBBE.
Hasa ahaatee, yoolkiisu ma ahan in uu heerkaan kusii jiro, wuxuuna ku taamayaa in uu maalin un noqdo mid ay cilmigiisu ka faa'iidaan dadka.
"Sidoo kale, waxaan iska bixiyaa lcagta. Waxaan doonayaain aan mustaqbalka noqdo macalin," ayuu ku daray hadalkiisa.
Sheekada da'yarkan oo la filayo in ay dhiirogelin u noqoto dadyow kala duwan ayaa xoojineysa ahmiyada qofku u leedahay in uu shaqeysto iyo in uusan marnaba ka niyad-jebin nolosha adag.
GAROWE ONLINE