13 ku dhimatey weerar lagu qaadey xarunta CID magaalada Muqdishu

Image

MUQDISDHU- Ugu yaraan 13 qof oo Shan kamid ah yihiin shacab ayaa ku dhimatey weerar is-miidaamin ah ee  kooxda Al shabaab maanta ku qaadey xarunta CID magaalada Muqdishu.

Wasiirka amniga amniga gudaha dowlada Federaalka oo la hadlay saxaafada gudaha ayaa sheegey in dhimashada shacabka tahay 5 riix halka dhaawacooda yahay 5 qof.

" Todobo kamid ah kooxda weerarka soo qaadey iyo Askari ka tirsan ciidamada sirdoonka  ayaa weerarkaan ku dhintey halka dhaawaca ciidamada yahay 5" SidAas waxaa saxaafada u a xaqiijiyey Wasiirka amniga dowlada Federalaka ah.

Weerarkaan oo mas'uuliyadiisa sheegatey ururka al shababal ayaa ku bilowdey gaari ismiidaamin ah oo lagu dhuftey Irish hore ee xarunta CID ee ku taal halka la yiraahdo KM4 magaalada Muqdishu.

Afhayeen u hadla Al shabaab Cabdicasiis Abu-Muscab oo la hadlay Idaacada u hadasha ururkaas ayaa sheegey in weerarkaan ku dileen 12 Askari islamarkaana la beegsanayeen sarkiil ka tirsan hay'daas iyo kuwo ajaanib ah ee ku sugnaa xaruntaan.

Weerarka loo gaystey xaruntaan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo asbuuc ah ka dhaca magaalada Muqdishu kuwasoo lala beegsadey xarumaha muhiimka ee ciidamada.

Magaalada Muqdishu ayaa la qorsheynaya in lagu qabto doorashada Madaxweynaha Somaliya taasoo la qorsheynayo in sanadkaan dabayaqadiisa dhacdo.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM