​15 ku dhimatay Qaraxyada Muqdishu [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Faah faahin dheeraad ah oo kasoo baxday qaraxyadii saaka ka dhacday magaalada Muqdishu ayaa xaqiijinaysa dhimashada 15 u badan ciidamada ilaaliyaha xubnaha katirsan Qaramada Midoobay ee ku sugan caasumadda Somalia, halka dhaawacu ka badanyahay 5 ruux.

Weerarkan oo ka dhacay labo meelood ayaa waxaa mas'uuliyadiisa sheegatay ururka Al Shabaab kuwaasoo qorshahoodu ahaa inay gudaha u galaan xarunta ugu weyne AMISOM ee Xalane sida aan kasoo xiganay saraakiil katirsan maamulka gobolka Banaadir.

Labo baabuur oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay baraha laga galo xeradaasi.

Arrintan ayaa waxaa ka hadlay maamulka gobolka Banaadir, waxayna sheegeen inaysan fulin qorshihii Al Shabaab ee ahaa inay gudaha u galaan xerada sida weyn amnigeeda loo sugo iyagoo tilmaamay inay ka hortageen ciidamada nabad ilaalinta Somalia ee AMISOM.

Cabdifataax Cumar Xalane Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay ka hortageen weerarkaasi ciidamada Somalia isagoo caddeeyay in weerarkaasi ku dhinteen dad u badan ciidamada amniga.

Majirto waxa war ah oo kasoo baxay dhinaca AMISOM.

Ururka Al Shabaab ayaa barahooda taageera ee Internetka waxay ku daabaceen inay dileen 10-neeye katirsan ciidamada AMISOM, balse taas waxaa beeniyay Afhayeenkooda Joe Kibet kaasoo iska fogeeyay in wax dhibaato ah soo gaartay ciidamadooda.

Xaaladda goobtii weerarku ka dhacay ayaa haatan dagan, balse waxa bur-bur laxaad leh soo wajahay meelihii is-miidamintu ka dhacday.

Dhawr jeer oo hore mallayshiyaad katirsan Al Shabaab ayaa hoobiyaal ku tuuray Xalane in kastoo aysan haleelin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM