25 sano kadib xoolo lagu dhoofiyay Kismayo iyo golaha wasiirrada oo la dhaariyay

Image

KISMAYO, Somalia- Waxaa maanta dekedda magaalada Kismayo ee xarunta maamulka Jubbaland ka dhoofay 1200 neef oo Lo' ah kuwaasi oo loo qaaday waddanka Isu tagga Imaaraadka Carabta siday noo xaqiijiyeen mas'uuliyiin katirsan maamulkaasi.

Maareeyaha Dekedda Kismayo Axmed Xaaji Aadan, ayaa sheegay xoolaha la dhoofiyay maanta in laga keenay deegaanaada Jubbaland iyo qaybo kamid ah bartamaha Soomaliya, wuxuuna tilmaamay in caafimaadkooda la xubiyay.

Axmed Xaaji, wuxuu intaasi raaciyay in dhawaan bilaabi doonaan dhoofinta Khudradda kasoo go'ada gobollada maamulkaasi, isagoo xusay in haatan dekedda loo diyaariyay sidii wax looga dhoofin lahaa.

Dekedda Kismayo muddo kabadan 25 sano majirin xoolo looga dhoofiyay waddamada caalamka, sababo la xiriiray amni darro iyo dhibaato ka taagnaa, balse muddooyinkii dambe waxay u muuqatay mid dhibkaasi kasoo kabanaysa.

Dhinaca kale, waxaana maanta xarunta maamulkaasi ee Kismayo lagu dhaariya, madaxweyne ku-xigeennada maamulkaasi iyo golaha wasiirrada Jubbaland, waxaana dhaariyay guddoomiyaha Barlamanka maamulkaasi.

15 May, ayay ahayd markii Sheekh Axmed Madoobe soo saaray wareegto lagu magacaabay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, halka 18-kii isla bishaasina lagu dhawaaqay liiska xubnaha golaha wasiirrada Jubbaland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM